04 Dec,2021 Kulan-Hawleed Aqoon Iswaydaarsi ah Oo Lagu Gorfaynayo Go’aanadda Cashuuraha, Meel-Marinta Awooddaha Sharci Ee Waaxaha Dakhliga, Iyo Sidii Ay Kaalintooda Uga Qaadan Lahaayeen Hay’addaha Kale Ee Dawladdu.


Hargeisa 04 Dec,2021 (WHM)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta furay kulan-hawleed uu soo diyaariyey Xafiiska Guddida Dacwadaha Cashuuraha Somaliland.

Kulan-hawleedka oo socon doona mudo sedex cisho ah waxa lagu gorfayn doonaa go,aanadda cashuuraha iyo meel-marinta awooddaha sharci ee waaxaha dakhliga, iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen hay’addaha kale ee Dawladdu, waxaana uu u dhexeeya waaxaha Dakhli ururinta iyo hay’adaha ay wada shaqaynta dhaw leeyihiin.
Waxaana furitaanka munaasibadda ee wasaaradda H. Maaliyada Md. Maxamed Cabdi Gurxan ku wehelinaayey Gudoomiyaha Guddida Dacwaddaha Cashuuraha, Garyaqaan Yuusuf Biixi, Taliyaha Qaybta Ilaalinta Cashuuraha Gaashanle dhexe. Cabdi Aadan Xayd, Xeer-Illiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Agaasimayaasha Waaxaha Kastamada, Cashuuraha-Barriga, Xidhiidhka-Dadweynaha, xubnaha Guddida Dacwaddaha Cashuuraha iyo masuuliyiin ka tirsan Waaxda C/Berriga.

Kulankan aqoon iswaydaarsiga ah ayaa mudadaa sadexda cisho ah lagu gorfayn doonaa sidii Waaxaha Dakhliga iyo Ha’yadaha kale ee Dawladdu ay isu kaashan lahaayeen, isla markaana ururinta cashuurta Dawladda markasta loogu raaci lahaa sida xeerarka cashuuruhu dhigayaan, loogana gudbi lahaa nidaamyadda ku salaysan xeer-jajabaka iyo tanaasulaadka aan shuruucda waafaqsanayn.

Ugu danbayn, Guddida Dacwaddaha Cashuuraha Qaranku waxay Ku aasaasantahay Xeerka Dakhliga Guud ee Cashuuraha Somaliland – Qaybtiisa 6aad, Qodobadiisa 109aad , ilaa 249aad ee Xeer Lr.72.2016 Oo Lala Akhriyo Xeerka Kastamada Qodobka 205aad ee Xeer Lr.73.2016. Guddida Dacwaddaha Cashuuraha waa Guddi madax-banaan oo u idman in ay dhagaysato ama dib-u-eegis ku samayso qaraarna ka soo saarto go’aanada cashuureed ee Waaxaha Dakhligu ay ku soo saaraan cashuur-bixiye, iyada oo aanu cashuur-bixiyuhu ku qancin go’aankaas cashuureed isaga oo uga soo rafcaan-qaadanaya Guddida Dacwaddaha Cashuuraha Qaranka.

                  =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta
? www.slmof.org/ www.som.slmof.org
? [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999