Kulanka Wadatashiga Degmooyinka Uu Ka Socdo Mashruuca Wadaaga Ah Ee Maamuul Daadejinta Adeegyada Bulshada Ee JPLG Iyo Wasaaraddaha Qaybta Ka Ah Mashruuca

Berbera 07 Dec, 2021 (WHM)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa furay kulan wadatashi oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda UNCDF kaas oo socon doona 3 cisho, waxaana qayb ka ah maayirada 10 Degmo oo Dalka ah, xubno ka socday Hay’addaha UN-ka ee mashruuca JPLG gacanta ka gaysta, Wasaaraddaha Qarshaynta, Arimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo   Daneeyayaal kale.

Kulan-Hawleedkan oo ah sanadle isla markaana mudnaantiisa leh waxa ay ujeedadiisu daarantahay in qiimayn iyo dib-u-eegis lagu sameeyo waxa ka fulay istiraatijadda maamul-daadajinta lacagta mashaaruuca wadaaga ah ee JPLG gaar ahaana dhinacyada waxbarshada, caafimaadka, horumarinta degmooyinka iyo kabka Dawladdaha-hoose. Waxa sidoo kale inta uu socdo kulankani lagu gorfayn doonaa hadii Rabi ogolaado, waxyaabaha ka qabsoomay qorshe-hawleedkii sanadkan gabogabada ah kaas oo uu udub-dhaxaad u ahaa barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda sida; adeegsiga hanaanka is-wada ee maaraynta maamulka maaliyadda  (IFMIS), horumarka laga sameeyey hanaanka diyaarinta miisaaniyadda, bixinta kharashaadka, sida loogu sameeyo dabo-galka, diyaarinta war-bixinaha maamul-maaliyaddeed iyo guud ahaan in lagu socdo  qorshaha istaraatijiyadda Maamul Daadejinta Adeeg-bixinta Dawladdaha-hoose iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee NDPII.

Ugu danbayn, waxa ay gabagabada kulan-hawleedkan xubnaha qaybta ka ah barnaamijkan wadaaga ah ee maamul daadejinta adeeg-bixinta Dawladdaha-hoose si wada jir ah u dejin doonaan qorshaha cusub ee lagu hawl-gali doono sanadkan soo socda hadii Rabi ogolaado. Iyaga oo ka duulaya casharadii ay ka barteen hawl-galadii hore iyo waliba fursaddaha jira, iyada oo maanka lagu hayo tiirarka kala duwan ee ay ka koobanyihiin mashruuca JPLG iyo nidaamka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dawladda ee PFM.  

                                                   =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

? www.slmof.org/ www.som.slmof.org

? [email protected]

☎️ 513856 Whatsap No: + 252-657729999