NOV,22,2021,Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo 150 Cashuur-Bixiye U Qabatay Kulan Aqoon-Is-waydaarsi ah Oo Lagu Lafo-guray Nidaamka Online-Ka Ah Ee Cashuur-bixinta Iyo Meel Marinta Awoodaha Sharci Ee Ururinta Cashuuraha.


Hargeisa (W.H.M) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa maanta magaaladda Hargeisa ugu qabatay 150 cashuur-bixiye kulankii aqoon-is-waydaarsi ah ee sanadka 2021-ka, kuwaas oo lagu tababarayey nidaamka online-ka ah ee cashuur-bixinta iyo meel marinta awoodaha sharci ee ururinta cashuuraha.
Kulan-hawleedkan oo iskugu jiray aqoon-is-waydaarsi iyo talo-wadaag ayaa ka qabsoomay hotelka Casood ee magaaladda Hargeisa, kaas oo si wayn loogu lafo-guray faa’idooyinka nidaamkan casriga u leeyahay cashuur-bixiyayaasha.
Sidoo kale Cashuur-bixiyayaasha kulankaas kasoo qaybgalay ayaa lagu tababaray Hanaanka casriga ah ee xisaab-celinta iyo cashuur-bixinta ee adeegsiga khadka tooska ah (Online Taxpayer Portal System), Meel-marinta awoodaha sharci ee ururinta cashuuraha iyo cashuurta iibka ee GST-ga, gaar ahaan hirgalinta mishiinada cashuurta iibka.
Nidaamkan casriga ah ee cashuur-bixinta ee lagu tababarayey maanta cashuur-bixiyayaasha ayaa ah hanaan u fududayn doona cashuur-bixiyayaasha bixinta cashuuraha iyo xisaab-celintaba, kaas oo sidoo kale u ilaalin doona wakhtigii kaga lumi jiray cashuur-bixinta iyo xisaab-celintaba isla markaana iyagoo xafiisyadooda fadhiya ay bixin doonaan cashuurta sharcigu ku waajibiyey.
Dhinaca kale kulanka ayaa waxa si rasmi ah u furtay wasiir ku xigeenka horumarinta maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi isla markaana ah ku simaha wasiirka horumarinta maaliyadda, waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Md Maxamed Cabdi Gurxan, Guddoomiyaha rugta ganacsiga Md Jamaal Caydiid Ibraahin, agaasimaha waaxda cashuuraha berriga Md Maxamed Ibraahin Batuun, agaasimaha waaxda kastamada Maxamed Nuur iyo agaasimaha waaxda shuruucda Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimada nidaamka casriga ah ee cashuur-bixinta oo tilmaameen inuu culays badan ka furan doono cashuur-bixiyaasha.

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL.
? www.slmof.org/ www.som.slmof.org
? [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999