Borama 27 July, 2022 [WHM]- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo kormeer shaqo ku jooga Gobolka Awdal ayaa maanta galinkii hore kulan la qaatay masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada xafiisyada heer-gobol ee Waaxaha Kastamada, Cashuuraha-Berriga iyo Xafiiska Xisaabiyaha Gobolka Awda

Wasiirka ayaa warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta xafiisyada Wasaaradda.
Arimaha ay masuuliyiintu uga war-bixiyeen Wasiirka waxa ka mid ahaa waxa ka hirgalay bartilmaameedyadii dakhli ee laga rabay, heerka ay ka marayaan Gobolka barnaamijyada casriyeynta iyo fududaynta adeeg-bixinta Wasaaraddu, sal-balaadhinta Cashuuraha-Gudaha, daryeelka macmiilka iyo Xidhiidhka-Dadweynaha, la dagaalanka kootarabaanka, iyo arima kale oo door ah oo la xidhiidha uun waajibaadka shaqo ee guud ahaan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa isaguna dhiniciisa masuuliyiinta Wasaaradda ee G. Awdal uuga mahadceliyey sida xilkasnimadu ku dheehantahay ee ay uga soo baxeen ku talo-galkii lix-biloodkii hore ee sanadkan 2022-ka. Waxaanu gabagabadii kulanka mid kasta gaarkiisa u faray in ay dhinacooda xooga saaraan ka midho-dhalinta barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, sida dhamaystirka adeegsiga hanaanka is-wada si looga guuro habka adeegsiga waraaqaha badan, waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyey fududaynta shaqada, daryeelka macmiilka iyo wanaajinta xidhiidhka guud ahaan bulshada.

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeer ku soo wada maray dhamaan xafiisyada Wasaaradda ee heer gobol, iyo waliba qaar ka mid ah Hay’addaha kale ee Dawladda, ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso Maaliyadda isaga oo booqday Maxkamadda Gobolka Awdal iyo meelo kale.

Waxaana intii uu ku gudo jiray kormeerkiisa kulan la qaatay xubno ka mid ah cashuurbixiyaasha G. Awdal oo is kugu jiray qaybaha kala duwan ee ay koobanyihiin, sida ganacsatada qaadka, kuwa khudaarta, shidaalka iyo kuwa kaleba. Kulanka oo ahaa mid mahadnaq iyo is-x-xogwaraysi ah, waxa la is kula qaatay in lagu wada hawl-galo jawi is kaashi iyo wadashaqayn ku dhisan, oo ay tahay ganacsadaha ama cashuur-bixiyuhana inuu u arko cashuurta uu bixinayo mid sharcigu ku waajibiyey, kuna dhacaysa qasnada guud ee la wada leeyahay, si looga maalgaliyo mashaariicda horumarineed ee aynu u baahanahay, Wasaaradda iyo hawl-wadeenadeeduna u arkaan cashuurbixiyaha macmiilkoodii oo ay waajib tahay in loola macaamilo si tixgalin iyo darini ki jirto.

Ugu danbayna, wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ee kormeerka ku wehelinayey oo safarkoodan shaqo ka soo bilaabay Xeebaha galbeed ee Dalka 24-kii bishan Jully, ayaa soo af-meereyey goor-danbe oo galabnimadii maanta ah, iyaga oo booqday Kastamka Kalabaydh iyo Kastamka hubinta-badeecaddaha ee Abaarso.

                         =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: + 252-657729999