06 Nov, 2021 Hirgalinta Cashuurta Iibka ee Adeega iyo Allaabooyinka (GST) iyo Doorka Shirkaddaha Daabacaaddaha.



Hargeisa 06 Nov, 2021 (WHM)-Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa kulan isugu yeedhay shirkaddaha ka shaqeeya hawlaha daabacaaddaha gaar ahaan kuwa xafiisyada ku leh magaalada Hargeisa. Ujeedada kulanka ayaa daaranayd Cashuurta Iibka ee Adeega iyo Allaabooyinka (GST) iyo doorka Shirkaddaha Daabacaaddaha iyada oo lagu faray kulanka inay ku muujiyaan 5% oo ah xadiga Cashuurta Iibka qoraalka buugaagta laga jaro qaansheegaha (Invoice) ay ka soo dalbadaan masuuliyiinta hudheelada iyo warshaduhu oo ah meelaha doorkan diirada ay saarayso Wasaaraddu.

Ugu danbayn, Wasaaradda H. Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa meel-marinta iyo dhaqangalinta awaamiirta uu farayo Xeerka Guud ee Dakhliga Dawladdu Xeer Lr. 72/2016 gaar ahaan qodobadiisa 164aad, 165aad, 169aad,171aad, 172aad & 173aad waxa ay faraysaa maamulka iyo mulkiilayaasha hudheeladu inay ku daraan 5% qaansheegta (Invoice) ay ku dalacaan macaamiishooda ay wax ka iibiyeen.

Sida uu dhigayo Xeerka Guud ee cashuuraha J. Somaliland gaar ahaan qodobadiisa ka farcama ee aynu soo sheegnay dhamaan iibka ay sameeyaan hudheeladu sida: Cuntada, cabitaanka, jiifka, iyo munaasibaddaha kala duwan waxa ku waajibtay cashuur dhan 5% taas oo uu qabashadeeda Dawladda wakiil uga yahay maamulka hudheelku. Sidaa darteed, waxa mar labaad la farayaa dhamaan mulkiilayaasha hudheelada iyo macaamiishooda ku xidhani inay u hogaansamaan cashuurta uu sharcigu ku waajibiyey.

                             

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta
? www.slmof.org
? [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999