November 13, 2021 Kulan-Hawleed Laba Cisho Ah Oo Ku Saabsan Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda Ayaa Loo Qabtay Isu-Duwayaasha Hay’addaha Dawladda Ee Gobolka Awdal.


Boorama November 13, 2021 (WHM)- Wasaaradda H. Maaliyadda gaar ahaan Xafiiskeeda Xidhiidhka Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee (PFM) oo kaashanaya Xafiiska Hanti-dhawraha Guud, Xafiiska Xisaabiyahga Guud, Waaxda Miisaaniyadda iyo Waaxda Maamulka Nidaamka Xogta Maaliyadda Dawladda ee (SLFMIS) ayaa kulamo isugjira tabobaro iyo wacyigelin ku saabsan Maamulka Maaliyadda Dawladda u qabatay isuduwayaasha, xisaabiyeyaasha iyo hawlwadeenda wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda ee madaxa-bannaan ee Gobolka Awdal.

Tabobarkan iyo wacyigelinta oo socondoona muddo saddex maalmood ah waxa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md. Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro.

Waxaana inta uu socdo lagu lafo-guridoonaa habraacyada iyo hannaanka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee casriga ah; sida, habraaca diyaarinta iyo fulinta miisaaniyadda, habraaca war-bixinaha iyo xisaab-xidhka, isticmaalka Nidaamka Maamulka Xogta Maaliyada (SLFMIS) iyo habraaca u diyaar garowga baadhisaha hanti-dhawrka IWM.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta
?: Slmof.org/Som.slmof.org
?: [email protected]
☎️: 513856
Whatsapp: +252657729999