Billawga Kulamada Diyaarinta Iyo Falanqaynta Miisaaniyadda Hay’addaha Dawladda Sanadka 2022-ka

Hargeisa 12 Sept, 2021 (WHM) – Waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay Xarunta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL kulamadii diyaarinta iyo falanqaynta Miisaaniyada Dawladda ee 2022-ka hadii Rabi ogolaado, doodaas oo sanad walba xiligan oo kale la qabto sida uu dhigayo jidwalka diyaarinta Miisaaniyaddu waxa sida qorshuhu yahay maalintiiba ka qaybgali doona 6 ilaa 7 Wasaaradood ama Hay’adood iyaga oo kala fadhiisan doona Wasaaradda H. Maaliyadda. Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda ayaa iyagu soo diyaarsada Qorshaha Odoroskooda Miisaaniyadeed, kadibna waxa ay is la eegaan masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliayadda oo iyagu u idman isku-tubaridka iyo diyaarinta Miisaaniyadda, iyaga oo is la naaqisha hadba waxa suurtagal ah ee laga qaadan karo hindisayaasha iyo soojeedimaha Hay’addaha Dawladda, iyada oo lagu salaynayo hadba inta uu le’egyahay dakhliga la rajaynayo inuu soo xaroodo sanadka soo socda iyo waliba mudnaanaha kharash ee siyaasadda Miisaaniyadda Dawladdu diirada saarayso.Dhinaca kale, Ku-talo-galka Odoroska Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka soo socda ayaa noqon doonta mid dhamaystiran, taas oo ay ka muuqan doonaan dhamaan tafaasiisha Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa-Banaan, Dawladaha-Hoose ee Dalka, iyo waliba Deeqaha-Debedda inaga soo gala. Diyaarinta Miisaaniyadd dhamaystiran ayaa ah talaabo hore loogu qaaday dhinaca isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta waxaana wajigeedii hore la dhaqangaliyey sanadkan, waana sida uu jidaynayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda Xeer Lr. 75/2016.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

Website: Slmof.org Email: [email protected]

Tell:513856Whatsap No: +252-657729999