09,Dec 2021 Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Kal-Fadhigoodii 84aad Ee Maanta Ku Ansixiyey Ku-talo-galka Odoroska Miisaaniyadda Dawladda Sanadka 2022 oo Ka Saraysa 17% Miisaaniyaddii Sannadkii Hore Ee 2021-Ka.


Hargeisa 09,Dec (WHM)- Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kal-fadhigoodii 84aad ee maanta oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ku ansixiyey cod aqlabiyad ah Kutalogalka Odoroska Miisaaniyadda Dawladda Sanadka fooda inagu soo haya ee 2022.

Dhiganaha Odoroska Miisaaniyadda oo ay golaha horgaysay Wasaaradda H. Maaliyaddu, waxa uu guud ahaan cadadkeedu dhanyahay 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin). Waxaanay tii sanadka 2021-ka hore ka badan tahay 17% (Boqolkiiba Toddoba iyo Toban).

Miisaaniyad sannadkeedka 2022-ku waxay u kala korodhay sidan soo socota:
 Miisaaniyadda guud ee Dawladda oo 17% korodhay sannadkan
 Miisaaniyadda Dawladda dhexe waxay korodhay 11% sannadkan
 Miisaaniyadda Dawladaha-hoose waxa ay korodhay 44% sannadkan
 Miisaaniyadda Hay’addaha madaxa-bannaan ee dawladduna waxay korodhay 12% sannadkan
 Mashaariicda deeqaha debedda ayaa iyaguna miisaaniyaddoodu korodhay 41% sannadkan.
 Waxaana xusid mudan in sannadkan Ciidamada Qalabka sida ee kala duwan dhamaantood loo kordhiyey 20% mushahaarooyinkooda.

Dhinaca kale, Ku-talo-galka Odoroska Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka soo socda ayaa noqon doonta mid dhamaystiran, taas oo ay ka muuqdaan dhamaan tafaasiisha Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa-Banaan, Dawladaha-Hoose ee Dalka, iyo waliba Deeqaha-Debedda inaga soo gala. Diyaarinta Miisaaniyadd dhamaystiran ayaa ah talaabo hore loogu qaaday dhinaca isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta waxaana wajigeedii hore la dhaqangaliyey sanadkan gabogabada ah ee 2021, waana sida uu jidaynayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Dawladda Xeer Lr. 75/2016.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta
? www.slmof.org/ www.som.slmof.org
? [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: + 252-657729999