16,12,2021 Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Maamuustay 31-kii Cashuur-Bixiye Ee Ugu Wanaagsanaa Sanadkan 2021-ka


Hargeisa 16,12,2021 (WHM) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa habeenkii xalay ahaa abaal-marino gudoonsiisay 31-kii cashuur-bixiye ee ugu wanaagsanaa 2021-ka.

Munaasibadda abaal-marinta ah oo ka qabsoontay hotel Dhoola-yare ee magaalada hargeisa, ayaa lagu abaal-mariyey 31 cashuur-bixiye oo ku soo baxay liiska cashuur-bixiyaha wanaagsan ee sanadka, kuwaa oo ka kala yimid guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Dalka, iyadoo laga soo kala xulay ganacsatada heerarkooda kala duwan, isla markaana xulistooda loo raacay miqyaasyada iyo habraacyada u yaala xeerka guud ee cashuuraha Somaliland.

Munaasibadda Abaal-Marinta Cashuur-Bixiyaha wanaagsan oo ah sanadle waxa la bilaabay sanadkii hore ee 2020-kii. Waxaana looga golleeyahay si loo maamuuso, loona dhiirigaliyo cashuur-bixiyaha sida buuxda u gutay waajibaadkiisii cashuur-bixineed, waana talaabo ku dayasho u ah guulaystaha beri.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
? www.slmof.org/ www.som.slmof.org
? [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: + 252-657729999