13 Nov, 2021 WAR-BIXINTA WAX QABADKA WAAXAHA WASAARADDA H.MAALIYADDA JSL EE SADEX-BILLOODKA JULY-SEPTEMBER/2021.



Hargeisa 13 Nov, 2021 (WHM)-Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee sedex-biloodkii hore July-Sep/2021 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.,

Kulankan oo sadexdii bilood ee kastaba mar la qabto, ayey ujeedadiisu tahay sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshaheedii sadex biloodka; iyada oo Agaasime waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku aaden wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, wixii qabsoomi waayey iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.

Kulan-hawleedka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan waxa ka soo baxay in Wasaaraddu soo saartay dakhli ka sareeya 1.5% ku talo-galkii Miisaaniyadda ee Jan-Sep 2021-ka, halka dhinaca kalena 91% la bixiyey ku talo-galkii kharashaadka Miisaaniyadda ee Jan-Sep 2021-ka.

Dhinaca kale, marka la eego qorshaha saddex biloodka, waxa horumar fiican laga sameeyey dhinacyadda fulinta adeegsiga systemyadda casriga ah ee is-wada, Dib-u-habbeynta Maamulka Maaliyadda, cashuuraha, Kastamadda, Wacyi-galinta & xoojinta xidhiidhka Cashuur bixiyaha, dabbaqaadda xeerarka, Maamulka Miisaaniyadda iyo kharash bixinta, wax-Iibsiga, dib-u-habbeynta shaqaalaha iyo siyaasaddaha kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri-galinta wax-soosaarka gudaha.

Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii biloodba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.

Kulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa si wada jir ah u s soo xidhay Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Amb. Rooda J. Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda M. Maxamed C. Gurxan, iyaga oo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isla markaana kula dardaarmay u diyaargarawga meelmarinta waajibaadka u yaala xafiis kasta inta ka hadhay sanadkan gabogabada ah ee 2021-ka hadii Rabbi ogolaado.

             =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta

?: Slmof.org/Som.slmof.org
?: [email protected]
☎️: 513856
Whatsapp: +252657729999