27 Dec,2021 Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Gollaha-Wakiilada U Gudbisay Ku-Talo-Galka Odoroska Miisaaniyadda Sannadka 2022.



Hargeisa 27 Dec,2021 (WHM)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddadu iyada oo gudanaysa waajibkeeda Dastuurka Qaranka, qodobkiisa 55 aad farqadiisa 1.aad. iyo xeerka Maamulka Maaliyaddada ee Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5 aad, waxa ay manta oo ay taariikhdu tahay 27-12-2021 u gudbisay Golalaha, Miisaaniyadda Dawladda ee Sannadka 2022 oo ah Miisaaniyaddii 31 aad ee qarankanku yeesho.

Miisaaniyaddu waxay ka koobantahay laba buug; ka dawladda-dhexe , ka dawladaha-hoose iyo hay’adaha madaxa-banaan. Buuga miisaaniyada dawladda dhexe guud ahaan wuxuu koobanyahay 5 qaybood:
Miisaaniyadda dawladda dhexe ee sannadka 2022 waxay dhantahay Slsh.2, 410 (Laba Tirillion, afar boqol iyo billion). Waxay miisaaniyadii 2021 dheertahay 11%. Marka lagu daro miisaaniyadda dawladda hoose oo dhan slsh5,29b, iyo miisaaniyada hay’adaha madax banana oo dhan slsh2,77b iyo mashaariicda aynu xogtooda hayno ee hay’aduhu maal-geliyaan oo dhan slsh2,32b, waxay miisaaniyadda 2022 wadarahaan tahay Slsh 3,447b taasoo miisaaniyaddi 2021 ka badan 17%.

Siyaasadda Miisaaniyadda
Miisaaniyadeena 2022 waxaa hogaaminaaya siyaasado iyo himilooyin ay ka mid yihiin:

  1. Isu dheelitirka dakhliga iyo kharashka (Balanced Budget).
  2. Xakamaynta sicir bararka
  3. Ilaalinta qiimaha shillinka
  4. Xoojinta amniga
  5. Qabashada biyaha roobka
  6. Ku talo galka abaaraha
  7. Kor u qaadida adeegyada caafimaadka iyo wax barashada
  8. Dhiiri gelinta wax soo saarka
  9. Ilaalinta deegaanka
  10. Xoojinta raadinta ictiraafka
  11. Dhismaha Kaabyaasha
  12. Qabashada doorashooyinka

Cashuuraha

Iyada oo la tixgelinaayo duruufaha adag ee ka dhashay safmarka COVID19, waxba laguma darin cashuuraha-berriga oo ay ka mid yihiin cashuurta macaashal-macaashka (10%), cashuurta daaraha ama kirooyinka (10%), cashuurta mushahaarooyinka (6%), iyo cashuurta iibka(5%).
Dhinaca Kastamada:

  1. Maciishadda lagama maarmaanka ah sida daqiiqda, bariiska, iyo sonkorta waxaa lagu talo galay in laga dhimo 10% lixda bilood ee hore ee Jan-June sannadka 2022.
  2. Isla markaa waxaa lagu talo galay in cashuur dhaaf loo sameeyo calafka xoolaha, ka debeda laga keeno iyo ka wadanka kasoo baxaba.
  3. Waxaa Iyana slsh300/kg loo saaray qaadka mashruuca daaweynta cudurada maskaxda ama dhimirka, halka imminka loo gooyo slsh200/kg.
  4. Annaka oo raacayna xeerka dakhliga guud iyo cashuuraha 72/2016 waxaa noo qorshaysan in aanu ilaalino beeraladyna xiliga dalagu u soo go’o; isla markaana aanu dhaqan gelino cashuurta xakamaynta.

Kaabayaasha
Kaabayaashu waa tiir dhexaadka horumarka, waxaanay innoogu jiraan waxyaabaha innoo mudan. Waxa markaa xusid mudan kaabayaasha miisaaniyada 2022 ku jira oo ay ka mid yihiin:

  1. Dekeda Maydh
  2. Wada Ceerigabo – Burco
  3. Wadada Burco-Sheikh
  4. Biyo balaadhinta Hargeisa
  5. Biyo balaadhinta Borama
  6. Biriijka Gebiley
  7. Mashaariicda kaabayaasha ee laga maal geliyo sanduuqa gobolada bariga oo ay ka mid ah:
    a. Wadada tabca
    b. Wadada Kalabaydh
    c. Wadada Xargaga
    d. Wadada Widhwidh

Kaalmooyinka iyo daryeelka
Sannad walba waxaa miisaaniyada lagu daraa qoondo loogu talo galay kaalmooyinka iyo daryeelka baahiyaha gaarka ah. Sannadkan waxaa miisaaniyada 2022ka ku jira qadar dhan 49b oo loogu talo galay in lagu kaalmeeyo laguna saryeelo iskuulo, cisbitaalo, ururo bulsho, bara kacayaal, naafo, agoomo iyo derbjiif.

=Wabilaahi Towfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
www.slmof.org/ www.som.slmof.org
[email protected]
513856
Whatsap No: + 252-657729999