Masuuliyiinta Wasaaradda H.Maaliyadda ayaa ka dhagaystay Agaasimayaasha Waaxaha wasaaradda war-bixino ku saabsan waxqabadka sanadkii 2021-ka oo waaxaysan.

Hargeisa 23 Jan, 2021 (WHM)- Masuuliyiinta Wasaaradda H.Maaliyadda ayaa ka dhagaystay Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda war-bixino ku saabsan waxqabadka sanadkii 2021-ka oo waaxaysan.Kulankan oo ah sanadle, waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshaheedii; iyada oo Agaasime waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku aaden wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, wixii qabsoomi waayey iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali oo kulanka soo xidhay ayaa guud ahaan masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sidii weynayd ee ay iskaga xilsaareen meel-marinta waajibaadkii sanadlaha ahaa ee u yaalay, waxaanu kula dardaarmay inay isu diyaariyaan fulinta qorshe-hawleedka sanadkan cusub ee 2022-ka, taas oo ay ugu weyntahay ka midho-dhalinta ku-talo-galka dakhli ee Dawladda oo ka badan kii sanadkii hore.Ugu danbayn, Wasaaradda H.Maaliyada JSL ayaa le qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii biloodba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay. =Wabilaahi Tawfiiq=Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta?: Slmof.org/Som.slmof.org?: [email protected]☎️: 513856Whatsapp: +252657729999