MUNAASIBAD XADHIGA LAGAGA JARAYEY QAYBO CUSUB OO LAGU SOO KORDHIYEY GEGIDA DAYUURADAHA EE CIGAAL.

Hargeisa 02-Nov-2020 (WHM) Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), Taliyaha Laanta-Socdaalka Sareeye Guuto: Maxamed Cismaan Caalin, iyo Maareeyaha Hay’ada Madaarada Kabtan: Cabdi Maxamed Rodol ayaa si wada jira xadhiga uga jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyey Kastamka iyo guud ahaan Gegida Dayuuradaha Caalamiga ah ee Cigaal.Qaybahaas cusub ee lagu soo kordhiyey Kastamka ama Garoonkaba guud ahaan waxa ka mida; dhismaha 18 xafiis oo ay adeegsan doonaan Ciidamada Laanta-Socdaalka iyo hawl-wadeenada Kastamka Madaarku, dhismaha qaybta kaydka dhokumentiyada, dayactir lagu sameeyey mid kamida bakhaarada lagu kaydiyo badeecaddaha iyo xafiiska khasnada, waxa lagu rakibay qalabka dabka lagaga hortago qaybaha dhoofka iyo halka laga soo dego, bakhaarada lagu keydiyo badeecaddaha, qaybaha laanta-socdaalka iyo dhawrista-tayada. Waxa sidoo kale kamida wax yaabaha lagu soo kordhiyey Gegida Dayuuradaha Cigaal, dabgalin koronto oo leh awood laysku halayn karo taas oo dab sugan siin doonta aaladaha wax lagu baadho iyo qayboojiyayaasha lagu keydiyo daawooyinka, cutooyinka, cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee dareeraha ah. Waxa wax weyn laga qabtay agabka fududeynta adeeg-bxinta Kastamka sida; mishiinada fudud ee lagu qaado badeecadaha kala duwan, aaladaha lagu kor-joogteeyo alaabooyinka ku keydsan bakhaarka, waxa sidoo kale xusid mudan in markii ugu horaysay laga hirgaliyey Kastamka Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeisa hanaanka is wada ee lacag qabashada ee SAD (Single Administration Document), kaas oo ay ganacsatada iyo safrayaashuba lacagaha ku waajibay si sahlan ugu bixin karaan, iyo waliba hanaanka elektarooniga ah ee kaydinta xogta bakhaarka ( warehouse data base). Ugu danbayna waxa wax ka bedel baaxad leh lagu sameeyey hanaanka adeeg-bixinta Kastamka ee dhoofinta, soo dejinta, maaraynta badeecaddaha, shaqada iyo shaqaalaha, iyo daryeelka macmiilka.