Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta Hotelka Casood tababar mihiim ah ugu soo xidhay Agaasimayaasha Maamulka lacagta, Xisaabiyayaasha iyo Agaasimayaasha dakhliga ee dawladaha hoose ee degmooyinka Hargeisa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gabilay.
Tababarka la siiyey madaxda dawladaha hoose ee degmooyinkaasi ayaa lagu tababaray Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadeed ee dawladda Somaliland ee (SLFMIS) iyo Is-waafajinta Sumadaha Caalamiga ah ee xisaabadka ( Standard Chart of Accounts) ee dawladaha hoose ee degmooyinka Hargeisa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gabilay.
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL.
🌐 www.slmof.org/ www.som.slmof.org
📧 Info@slmof.org
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999