ABAAL-MARINTA SHAQAALIHII UGU WANAAGSANAA WASAARADDA H.MAALIYADDA JSL SANADKII 2020-KA.

Hargeisa 07 June, 2021 (WHM)- Waxa xalay lagu qabtay magaalada Hargeisa Mango Garden Hall munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo lagu abaal-marinayey 100 qof oo ka mid ah shaqalaaha Wasaaradda H.Maaliyadda JSL kuwaas oo loo aqoonsaday shaqaalihii ugu wanaagsanaa sanadkii 2020-ka.

Tiro dhan 1,066 (Kun iyo lix iyo lixdan) qof oo shaqaale ah balse aanay ku jirin shaqaala-hoosaadku oo iyaga loo maray hanaanka ka duwan ayaa iyagu si madax-banaan isu soo qiimeeyey iyadoo aanay haba yaraatee wax door ah ku lahayn Madaxda sare iyo Agaasinka Waaxaha kala duwan ee Wasaaraddu.

Hanaanka kala xulista shaqaalaha loo maray oo feejignaantiisa, taxadirkiisa iyo hawshiisa lahaa iyo waliba saamayntii dhaqaale ee ay keeneen Covid-19 iyo Ayaxa ayaa keentay dib-u-dhaca qabsoomida munaasibada.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka, Wasiir-Xigeenka, Agaasimaha Guud, Madax iyo marti-sharaf kale ayaa ka soo qayb-galay munaasibada iyada oo abaal-marino la gudoonsiiyey shaqaalihii ku soo baxay qiimaynta ee loo aqoonsaday kuwii ugu wanaagsanaa sanadkii 2020.

Waxa xusid mudan in qiimaynta iyo kala saarida shaqaalaha sanadkan socda ee 2021 lagu salayn doono qorshe-hawleedka Waax kasta u yaala iyo waajibaad shaqaale kasta loo xilsaaray.

Ugu danbayn, waxaanu hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa dhamaan shaqaalihii loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan sanadka 2020-ka, iyo shaqaalaha kale ee abaalmarinta mudan laakiin aan la xusin sanadkan.

=Wabilaahi tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhak Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta
Website: www.slmof.org
Email: [email protected]
Tell: 513856
Whatsapp No: 0657729999