FUDUDAYNTA HANAANKA CASHUUR-BIXINTA IYO WALIBA CASRIYEYNTA ADEEG-BIXINTA KASTAMADA DALKA.

Hargeisa 29 April, 2021 (WHM)- Waxa shalay tabobar loogu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Somaliland xubno ka mid ah ganacsatada wax kala soo degta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera , tabobarka oo ay soo diyaarisay Waaxda kastamada gaar ahaan Qaybta Maaraynta Khataraha Kastamada (CRMS) oo kaashanaysa Hay’adda OPM wuxuu daaranaa Adeegsiga Hanaanka Is-Wada ee Cashuur-bixinta.
Sidaad la socotaan waxa socda dib-u-habaynta iyo dhismaha dekeda cusub oo ay laga maarmaan tahay in ka kastam ahaan iyo ka ganacsato ahaanba aynu la jaan-qaadno si aan u fududayno in ganacsigeenu noqdo mid daah-furan una diyaarsan is bedelada inagu soo fool leh ee dekeda cusub.
Hadaba, anagoo taa ka duulayna waxa naga go’an fulinta talaabooyin hor leh oo aanu ku doonayno in shaqooyinka kastamada loo bedelo meel ganacsatu adeega ay kastamka uga baahan yihiin ku helikaraan hab Online ah soona buuxiyaan iyagoo jooga xafiisyadooda iyo goobahooda shaqo si loo horomarinayo sidii ay shaqadu ugu fududaan lahayd Ganacsatada iyo Maamulka Kastamada.

              =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
Website: slmof.org
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp: 065-7729999