Saraakiisha iyo Hawl-Wadeenada Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda oo Loo Soo Xidhay Tabobar Mudo u Socday.


Hargeisa 19 June, 2021 (WHM)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yusuf iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa gudoonsiiyey shahaadooyin Saraakiisha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda.

Hawl-wadeenada Waaxdan Xidhiidhka Dadweynaha ayaa in mudo ah waxa u socday tabobar ku saabsan culuumta Xidhiidhka Dadweynaha kaas oo ay siinayeen khubaro ka tirsan Shirkada Extra Brand Building.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kula dardaarmay Saraakiishan loo soo xidhay tabobarka inay ku dabaqaan aqoonta ay barteen shaqadooda, is la markaana ay waajibtahay inay ka muuqato wax soo saarkooda.