Abaal-Marinta Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Wasaaradda Sanadkii 2021.

Hargeisa 05 Feb, 2022(WHM). Munaasibad si weyn loo soo agaasimay ayaa abaal-marino lagu gudoonsiiyey 150 ka mida shaqaale weynaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL, kuwaas oo loo aqoonsaday shaqaalihii ugu wanaagsanaa hawl-wadeenada Wasaaradda sanadkii hore ee 2021.

Shaqaalahan la maamuusay ayaa is kugu jiray saraakiil iyo shaqaale-hoosaad, waxaana laga soo kala xulay dhamaan waaxaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wasaaraddu.

Hawsha soo xulista shaqaalahan ku soo baxay doorkan in la maamuuso ayaa in mudo ahba soo socotay iyada oo loo maray habraacyada iyo halbeegyada u dejisan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Wasaraadda H. Maaliyaddu waxa ay markasta mudnaan gaar ah siinaysaa kor u qaadista xirfadda iyo awooda wax-soo-saar ee guud ahaan hawl-wadeenada Wasaaradda gaar ahaana kuwa dakhli soo saar, sidoo kale waxa Wasaaaradda ka go’an kor u qaadista niyad-samida shaqaalaha.

=Wabilaahi Tawfiiq=

 Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

? www.slmof.org/ www.som.slmof.org

? [email protected]

☎ 513856

Whatsapp No: + 252-657729999