Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Bulshada iyo Hay’addaha Dawladda.

Hargeisa 23 Feb, 2022 (WHM). Sida aynu wada ogsoonahay waxa jira barnaamij aad u qiimo badan oo ay hal-abuurtay Xukuumadan hada talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Md. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, barnaamijkaas oo la magac-baxay Isla-xisaabtanka Bulshada iyo Hay’addaha Dawladda, is la jeerkaasna meel-marintiisa ay xil weyn is ka saartay Wasaaradda Warfaafintu, kaas oo ka marag kacaya sida ayna dawladdu uga cabsi qabin inay la xisaabtanto bulshadu, waana talaabo hore loogu qaaday dhinacyada daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Barnaamijka oo ah todobaadle oo usuuciiba hal mar la qabto waxa ay xalay ahayd (23 February/2022) kalkii Mas’uuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda iyo dadweynaha, waxaana barnaamijka marti ku ahaa Wasiirka Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan iyo Xisaabiyaha Guud Md. Axmed Daauud Geedi, iyada oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro-badan.

Waxa intii uu socday barnaamijku mas’uuliyiinta la weydiidyey weydiimo tiro-badan, oo isugu jiray kuwo guud iyo kuwa si gaar ah ula xidhiidha  shaqada Wasaaradda, iyaga oo dhinacoodana ay masuuliyiinta-sare ee Wasaaraddu uga warceliyeen dadweynaha dhamaan weydiimahoodii.

                                         =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

 www.slmof.org/ www.som.slmof.org

 [email protected]

 513856

Whatsapp No: + 252-657729999