WASAARADDA H. MAALIYADA XAFIISKEEDA DIB-U-HABAYNTA MAAMULKA MAALIYADA DAWLADDA EE PFM AYAA SHAHAADOOYIN GUDOONSIIYEY 219 ARDAY.

Hargeisa 11 March, 2022 (WHM)– Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Xafiiskeeda barnaamijka dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda ee PFM, ayaa shahaadooyin gudoonsiyyey 52 arday oo dhamaysatay barashada hanaanka Abaabulka Cashuuraha Gudaha ee loo soo gaabiyo DRM (Domestic Revenue Mobilization), kuwaas oo ka kala socday Wasaaradda H. Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-Ilaalinta iyo Maxkamada-Sare, iyaga oo soo waday barashada kooraskan muddo ku siman labba sanno.

Waxa sidoo kale is la madashaa lagu gudoonsiiyey shahaadooyinkii ay mutaysteen 167 kale oo iyaguna dhamaystay duruus la xidhiidha maamulka maaliyadda dawladda, loona soo gaabiyo ICGFM (International Consortium for Government Financial Management). Wadarta guud ee ardaydaas ayaa noqonaysa 219 waxaana dhamaan kharashkii ku baxay laga dabaray xafiiska dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda  PFM.

Xafladan qalinjabinta oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada H.Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyada Amb. Rooda Jaamac Cilmi, xidhiidhiyaha xafiiska dib u habaynta Maamulka Maaliyadda PFM Xasan Faarax Muxumed, Maamulhii Course ka DRM ee Jaamacada Hargeysa C/rashiid ,Agaasimaha fulinta machadka Haayada Dawlada Cumar-Sayid Qaloonbi, Agaasime waaxeedyada cududda shaqaalaha Wasaaradda H.Maaliyadda Maxamed Axmed Wayrax iyo Cashuuraha-Barriga Maxamed Ibraahin Batuun iyo marti sharaf kale.

Halkaasi oo masuuliyiinta kasoo qayb galay xafladu khudbado dhiirigalin iyo waano ah ugasoo jeediyeen ardaydii dhamaysatay labbada course iyaga oo xusay muhiimada ay u leedahay shaqada xirfadan ay barteen.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta

? www.slmof.org/ www.som.slmof.org

? [email protected]

☎️ 513856

WhatsApp No: +252-657729999