Hargeisa 20 July, 2022 WASAARADDA H. MAALIYADDA JSL OO QABATAY MUNAASABAD LAGU DAAH-FURAYEY HANAANKA CUSUB EE CASRIYEYNTA IYO FUDUDAYNTA BIXINTA WARQADDA CASHUUR-LA’AANTA.

Hargeisa 20 July, 2022 {WMH} – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaasaradda Md. Maxmed Cabdi Gurxan ayaa daah-furay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay Wasaaraddu ku soo bandhigaysay hanaan cusub oo is-wada (automate) kaas oo lagu bixin doono wixii imika ka danbeeya warqadda cashuur-la’aanta, taas oo markii hore cida soo dalbataa u mari jirtay wado dheer, tacab iyo wakhti badana kaga bixi jiray, balse wixii hada ka bilaabma qofka soo dalbaday waxa uu ka wada heli doonaa dhamaan adeegyadii kaga xidhnaa goobaha ama xafiiyada kala gadisan hal goob.

Munaasabaddan oo lagu soo casuumay xubno door ah oo kala matalayey dhamaan daneeyayaasha ay khusayso hawshani sida; xubno ka mid ah Ganacsatada, Hay’addaha aan dawliga ahayn, haday yihiin kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba, Hay’addaha Dawladda gaar ahaan kuwa inta badan doorka ku leh bixinta warqadda cashuur-la’aanta, masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Somaliland iyo xubno kale.

Hadaba, hanaankan cusub ee casriyeynta iyo fududaynta xaashida cashuur-la’aanta ee ay manta soo kordhisay Wasaaradda H. Maaliyaddu waxa ay qayb ka tahay barnaamijkii dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka, oo ah mashruuc mudaba soo socday, kaas oo ujeedooyinkiisa ay ka mid ahaayeen hore-u-dhigista hanaanka maamulka maaliyadda Dalka, oo ay laf-dhabar u tahay fududaynta adeeg-bixinta Hay’addaha Dawladda, iyo mabaadi’da daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanku.

Xaashida cashuur-la’aanta oo ah dhukumenti cadaynaya inaan wax cashuur ah lagu lahayn cida mutaysatay ee la siiyey, waxa soo dalbada oo lagu xidhaa cidii doonaysa inay ka qayb-qaadato tartan qandaraas oo ay bixinayaan Hay’addaha Dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn ee mashaariicda ka fulinaya Dalka gudihiisa, waxa sidoo kale lagu xidhaa cid kasta oo wax ka iibinaysa Dawladda, waxa sidoo kale jira asbaabo kale oo badan oo loo soo dalbado warqadda cashuur-la’aanta.

Hadii aynu si kooban u sheegno waxyaabaha la soo kordhiyey, ee lagaga raysan doono wadadii dheerayd ee ay u mari jiray qaadashada xaashida cashuur-la’aanta, waxa ka mid ah qodobadan hoose:

1. Waxa la soo koobay mudadii lagu qaadan jiray xaashida cashuur-la’aanta, iyada oo qofka/cida ay u dhamaystiranyihiin dhukumentiga looga baahanyahay, ay ku heli doonto wixii hada ka bilaabma wax ka yar hal maalin-shaqo.

2. Waxa xafiisyadii badnaa ee qabanjiray adeegan, lagu soo koobay hal goob/xafiis. Iyada oo qaab is-wada {automate} loo bixin doono.

3. Waxa laga heli doonaa dhamaan xafiisyada Cashuuraha-Berriga ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

🌐www.slmof.org

📧 Info@slmof.org

☎️ 513856

Whatsap No: + 252-657729999