Daah-furka Adeegsiga Dawladdaha-Hoose Ee Nidaamka Casriga Ah Ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladda (IFMIS).

Gabiley, August 24. 2021 (W.H.M) – Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta Magaalada Gabiley ka Daah-furay Nidaamka Casriga Ah Ee Maaraynta Xogta Maaliyadda dawladda ee loo soo gaabiyo IFMIS kaas oo hada laga bilaabay adeegsigiisa Dawladaha-hoose ee dalka, waxaana wajigiisii kowaad maanta si rasmi ah looga bilaabay degmadda Gabiley.Munaasibadda daah-furka waxa kale oo goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Wasiir-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Badhasaabka Gabiley Ku-Xigeenkiisa iyo Maayirka Degmadda Gabiley, masuuliyiintaas oo si wada jir ah u soo dhaweeyey hanaankan casriga ah ee Maaraynta Xogta Maaliyadda iyaga oo tilmaamay mihiimada uu u leeyahay habsami u socodka maamulka maaliyadda Dawladda.Meel-Marinta Hanaankan Casriga ah ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladda ayaa u muuqda mashruuc guul laga gaadhay isaga oo adeegsigiisu hada u gudbay Dawladdaha-Hoose, halka ay Hay’addaha Dawladdu u adeegsanayeen maamulka lacagaha dhawrkii sano ee aynu soo dhaafnay.Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta?www.slmof.org/www.som.slmof.org? [email protected] ☎️ 513856Whatsap No: +252-657729999