Xoojinta Wadashaqaynta Wasaaradda H.Maaliyadda iyo Golayaasha Deegaanka.

Kulan lagu xoojinayo wadashaqaynta Wasaaraddaha Maaliyadda, Arimaha-Gudaha iyo Golayaasha Deegaanka Dalka guud ahaan ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda H. Maaliyadda, Kulan-hawleedkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Maayirada cusub ee degmooyinka Dalka, masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa wad shaqaynta, tayyeynta adeega bixinta iyo xog wadaagga labada dhinac,Intii uu shirku socday waxa si gaar ah la isku dul taagay muhiimadda ay u leeyihiin qodobadani Horumarinta adeegyadda dawladaha hoose ee dalka:1. Xisaab celinta iyo fudeydinta nidaamka bixinta kabka Dawladdaha hoose.2. Wakhtiga sii deynta kabka Dawladaha hoose in la waafajiyo nidaamka fulinta iyo daba-galka miisaaniyadda dawladda, si wakhtiga ku haboon loogu fuliyo Mashaariicda loogu tallo galay kabka.3. Fudeydinta iyo dadajinta sii deynta Lacagaha maamul daadajinta ee wasaaradaha wax-barashaddda iyo Caafimaadka4. In la yeesho kullamo wakhtiyeysan oo lagu sii xoojinayo wada shaqeynta iyo daba galka fulinta qodobadda la isla qaatayUgu danbayna, Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa dhawaanahanba ku hawlanayd dardargalinta iyo casriyeynta hanaanka maamulka maaliyadda, kor u qaadista wadashaqaynta ay leedahay Hay’addaha kale ee Dawladda, gaar ahaan Dawladaha hoose ee Dalka iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo muhiim u ah tayeynta adeega bixinta iyo Horumarinta deegmooyinka dalka.