TOOSINTA QIYAMKA HAWL-WADEENADA DAKHLIGA.

Gabiley 26 April, 2021 (WHM)-Agasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Waaxaha Xidhiidhka Dadweynaha lyo Kastmada ayaa kala qayb-galay muxaadiro diini ah oo loo qabtay Sarakiisha ,Maamulka Iyo Hawl-wadeenada Kastamka Kalabaydh, muxadaradaas oo hal-ku-dhegeedu ahaa Gudashada Amaanada Iyo Dhawrsanaanta Akhlaaqda Shaqada wuxuu Agasimaha Guud kula dardaarmay inay ilaaliyaan amaanada ay Qaranka u hayaan uguna shaqeeyaan si eex-la’aan ah.
Sh. Mustafe Boos oo ahaa sheekha muxaadarada bixinayey ayaa isaguna ku dheeraaday kaalinta weyn ee ay ku leedahay diinteena suuban ilaalinta amaanadu.

Arintani waxay qayb ka tahay barnaamij aanu ku doonayno inaanu ku toosino qiyamka guud ahaan hawl-wadeenada dakhliga iyo ciidamada ilaalada cashuuraha.

               =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta

Website: wwwe.slmof.org ama som.slmof.org Email: [email protected]
Whatsapp: 0657729999
Landline: 513856