Gudidda Ka Garnaqa Dacwaddaha Cashuuraha JSL Oo Tabobar U Qabatay Xubno Ka Mid Ah Ganacsatada Dalka.

Hargeisa, March 9, 2021 (W.H.M) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta furay tabobar ay soo diyaarisay Gudidda Dacwaddaha Cashuuraha JSL oo ay u qabatay xubno ka mid ah ganacsatada Dalka.
Tabobarkan oo wajigisii hore lagu bilaabay saraakiisha Waaxaha Dakhliga Wasaaradda H. Maaliyaddu wuxuu socon doonaa mudo labo cisho ah, waxana mudada uu socdo ganacsatada lagu bari doonaa hanaanka loo maro furashada dacwaddaha ka dhasha cashuuraha guud ahaan, xuquuqda iyo waajibaadka cashuur-bixiyaha, xuquuqahaas oo ay siiyeen cashuur-bixiyaha labada xeer ee kala ah kan dakhliga gudaha ee Xeer Lr 72/2016 iyo xeerka kastamada ee Xeer Lr 73/ 2016.
Guddigan oo ah mid madax-banaan waxa la yagleelay 13-kii February/2020, iyadoo loo cuskaday aas-aaskeeda qodobka 209 ee Xeerka Cashuuraha Barriga ee Xeer Lr. 72/2016. Guddidan ayaa ka garnaqi doonta dacwaddaha idaariga ah ee ka dhex-dhalan kara cashuur qaadaha iyo cashuur-bixiyaha.
Hay’addaha Dawladda sida Wasaaradda H. Maaliyaddu waxa ay u gudbiyaan dacwaddooda Xeer Ilaalinta Guud ee Dawladda, halka cashuur-bixiyeyaashu dacwaddooda ay qabanayso oo ay ka gar-naqayso Gududdidani oo noqonaysa halka ay usoo gudbin doonaan wixii dacwad ah ee ay qabaan, iyagoo raaci doona habraacyada sharci ee u dajisan.
Waxa daah-furka munaasabida hadalo ka jeediyey Gudoomiyaha Gudiddan Md. Yuusuf Biixi Maxamed, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Jamaal Caydiid Ibraahim iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo isagu kalmadiisii furitaanka si qotodheer u bayaamiyey ujeedada tabobarka, isagoo sheegay in gudidan loo aas-aasay iyadoo loogu danaynaynayo cashuur-bixiyaha balse aanay ahayn mid loo sameeyey maslaxada Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Hay’addaha Dawladda, is la markaana ay tahay mid maamul ahaan iyo miisaaniyadd ahaanba madax-banaan iyadoo ku hawl-gali doontaa awoodaha uu siinaynayo xeerku.
Ugu dannayn, Guddidan oo uu ka soo wareegay hal sano mudadii la aas-aasay waxa ay diyaar u tahay inay ka jawaabto adeegyada sharci ee ay u idmantahay, runtii waa talaabo loo qaaday dhinaca daah-furnaanta iyo islaxisaabtanka.

=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL
Website: Slmof.org ama Som.slmof.org
Email: [email protected]
Waxa sidoo kale aad nagala socon kartaan bogaga aanu ku leenahay baraha bulshada: