Munaasibad Tabobar Lagu Siinayey Qaar Ka Mid ah Ganacsatada Dalka

Hargeisa 18 March/2021 (WHM)-Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) ayaa maanta tabobar u furay in ka badan 50 cashuur-bixiye, tabobarkaas oo ku saabsanaa cashuurta Dakhliga Ganacsiga (Business Income Tax) wuxuu dabosocday kuwo noociisa ah oo hore loogu qabtay ganacsatada iyagoo ku soo qaatay tiroba 8 cutub (modules) oo la xidhiidha aqoonta cashuuraha kala duwan. Wasaaradda H.Maaliyadda ayaa waayahan danbe xooga saaraysay kobcinta aqoonta bulshadu u leedahay cashuuraha kala duwan ee xeerku jideeyey, waayo markasta oo uu kordho fahanka cashuur-bixiyuhu ka haysto cashuuraha waxa fududaanaya habsami u socodka shaqada dakhli ururinta Wasaaradda.
Tabobarkan oo qaatay hal maalin waxa xubnihii ganacsatada ahaa ee ka soo qaybgalay lagu siiyey aqoon korodhsi ku saabsan cashuurta dakhliga ganacsiga ama sida ay dad badani u garan ogyihiin Macaashal-Macaashka Ganacsiga iyadoo sidoo kale Wasaaraddu dhagaysatay talooyinkii ay u soo jeediyeen, waxa sidoo kale loo qaybiyey buug-yaraha Cashuurta iyo Cashuur-bixiyaha kaas oo ay dhawaan Wasaaraddu soo saartay.
Sida uu qeexayo qodobka 69-aad ee xeerka dakhliga cashuuraha-berriga JSL, Cashuurta faaiidada ganacsiga waxa loola jeedaa: “dakhli kasta oo qof ama shirkad ka soo gala hawlgal ganacsi oo ah mid banaan”. Waxaana looga baahanyahay ganacsaduhu inuu sameeyo xisaab-xidh, cashuurtan oo ah sannadle waxa ganacsatada laga rabaa inay soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay ee Macaashal-macaashka Ganacsiga ugu danbayn 30-ka bisha April sanadkasta si ay uga fogaadaan inay la kulmaan ganaax. Xadiga cashuurtan macaashal-macaashka ganacsigu waa 10% (Boqolkiiba toban) kaliya, guud ahaan cashuuraha J. Somliland ayaa aad uga hooseeya kuwa ay qaadaan Wadamada Bariga Africa. Cashuurtan ganacsigu waxay korodhay intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2020 51% (Boqolkiiba Kow iyo Konton).
“sida uu jidaynayo xeerka dakhliga guduhu, waxa cashuur-bixiyaha laga rabaa inuu sameeyo is-qiimayn iyo inuu diyaarsado xisaab-xidh, halkaas waxa laga helayaa inta ay le’egtahay faaiidada kasoo gashay ganacsigiisa mudadaa sanadka ah, ka Wasaarad ahaana waxaa noo fududaanaysa inaanu qaadno cashuurta sax da ah ee ku waajibatay”, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda.
Ugu dabayn, cashuur bixintu waa jidka ugu haboon ee muwaadinku kaga qayb qaadan karo gacansiinta hurumarka Wadankiisa, isagoo dhinaca kale xaq u leh inuu kula xisaabtamo Dawladdiisa halka ay ku bixiso cashuurtaasi.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Wixii cabasho aad qabto ama aad talo noo hayso waxaad markasta nagula wadaagi kartaa:
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999