Hargeisa 01 September, 2022 [WHM] Kulan-Hawleed Loogu Gogol-Xaadhayo Shirweynaha Heer-Qaran Ee Xal-U-Helida Duruufaha Dhaqaale Ee Somaliland Ka Jira.


Hargeisa 01 September, 2022 [WHM]-Kulan-hawleed loogu gogol-xaadhayey shirweynaha dhaqaalaha heer-qaran ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ahna gudoomiyaha gudi-hoosaadka dhaqaalaha Golaha Wasiirada.
Shirweynaha oo lagu wado inuu magaalada Hargeisa ka qabsoomo 10th ilaa 12th September, 2022 hadii Rabi ogolaado, waxa mudada uu socdo lagu faaqidi-doonaa duruufaha dhaqaale ee hada jira, iyada oo laga rajaynayo inay ka soo bixi doonaan talaabooyin xal u noqon doona culaysyada dhaqaale ee jira, waxa iyana aan meesha ka maqnayn oo ajendaha ku jirta in la is ku hoga-tusaaleeyo sidii looga faaiidaysan lahaa fursaddaha ina horyaala.
Sida aynu ka wada war-qabno waxa aynu Dal ahaan wajahaynaa duruufo dhaqaale oo aynu intooda badan la wadaagno dunida inteeda kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin sare-u-kaca qiimaha ascaarta kala duwan, saamaynta ay reebeen xanibaadihii Covid-19, is-badelka cimilada oo inagu keentay abaaro soo noqnoqday, cuno-yaraan, saamaynta uu ganacsigeena ku yeeshay gubashada Suuqii-Dhexe ee Waaheen oo uu dab qabsaday horaantii sanadkan iyo kuwo kale oo la hal-maala, kuwaas oo inagu keenay culaysyo nololeed.
Hadaba, inaga oo duruufahaa jira ka duulayna waxa lagama maarmaan noqotay in kulan la is kaga yimaado, kaas oo la doonayo in daneeyayaashu si cilmiyeysan u gorfeeyaan salka hoose ee caqabaddaha iyo xal-u-helida culaysyadaa dhaqaale inta uu socdo shirweynuhu.
=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org/ www.som.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999.