HARGEYSA, 14/09/2022 SHIRKA MADASHA DHAQAALAHA EE HEER QARAN 2022 WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA

Dawladda JSL waxa ay qaban-qaabisay Shirka Madasha Dhaqaalaha ee heer Qaran 2022 oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa. Madashani waxa ay socotay muddo sadex maalmood ah oo ku beegnayd 12ka -14ka 2022, madashu waxay kulmisay in ka badan 300 oo qof, kuwaas oo iskugu jira Dawladda, Ganacsatada, Hay’adaha Caalamiga ah, Hay’adaha Maxalliga ah, Bahda Waxbarashada, Khubaro iyo Dhaqaalyahanno.
Ujeedada Madasha Dhaqaalaha ee heer Qaran 2022 waxa ay ahayd in la kulmiyo khubaro ka kala socda dhammaan qaybaha bulshada oo ay wehelinayeen masuuliyiinta xukuumadda si ay uga doodaan hindisayaasha saamaynta ku leh dhaqaalaha Dalka iyo talooyinka lagu xalin karo dhibaatooyinka dhaqaale ee Dalka.
Madasha Dhaqaalaha ee Heer Qaran 2022 waxa ay soo saartay war-muriyeedkan:
I. Madashu waxa ay u mahad-naqaysaa dhamaan daneeyayaashii iyo khubaradii sida mugga leh uga qayb-qaatay muddadii ay madashu socotay.
II. Madashu waxa ay ku baaqaysaa qodobbadan hoos ku taxan:

  1. In wax soo-saarka beeraha la kordhiyo iyada oo muhiimadda iyo mudnaanta ugu wayn lasiinayo sidii loo heli lahaa biyo, shinni tayo leh, iyo dawooyinka cayayaanka beeraha lagula dagaalamayo ee deegaanka saaxiibka la ah.
  2. In la abuuro Xarunta Cilmi Baadhista Qaranka oo daraasado mug leh ka samaysa wadaagayaasha Dhaqaalaha Dalka.
  3. In laga tabaabushaysto doorsoonka cimilada iyo abaarta soo noqnoqta, lana abuuro seerayaal iyo biyo xidheenno.
  4. In Wasaaradaha Wax soo-saarka Dalka loo kordhiyo miisaaniyadda dhanka mashaariicaha la xidhiidha horumarinta wax soosaarka.
  5. In la horumariyo xirfadaha iyo aqoonta dhalinyarta, lana xoojiyo waxbarashada farsamada gacanta iyo tiknoolajiyada
  6. In la dhamaystiro siyaasadaha iyo xeerarka laxidhiidha dhaqaalaha, Caymiska ee Ganacsiga lagu horumarinayo.
  7. Kobcinta wacyiga bulshada ee caymiska la xidhiidha
  8. Iyadoo la garwaaqsaday muhiimadda ay Ganacsatada yaryar ku leeyihiin dhaqaalaha Dalk, waa in ahmiyad gaar ah lasiiyo xaaladooda dhaqaale, marka lagalayo heshiisyo caalamiya iyo maxalliya oo saameyn ku yeelankara.
  9. In la helo tamar waddanka ku filan, la awoodi karo, lana isku hallayn karo
  10. In si wadajir ah la iskaga kaashado sidii khayraadka macdanta, kalluunka, xoolaha, xabkaha iyo faleenka dalka loo sahamin lahaa, isla markaana dhoof loogu raadin lahaa.
  11. Madashu waxa ay garwaaqsatay muhiimadda ay leedahay goobta ay Somaliland ku taallo, sidaas darteed, waxa ay ku baaqaysaa in la xoojiyo dhaqaale ahaan adeeg bixinta iyo ganacsiga (Trade and services).
  12. Madashu waxa ay ku baaqaysaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, tamarta , isgaadhsiinta iyo dekadaha, iyo gegooyinka diyaaradaha dalka.
  13. Madashu waxa ay ku baaqaysaa in la hirgaliyo heshiiska iskaashi ee Beesha Caalamka iyo Dawladda Somaliland (Somaliland Partnership Agreement).
  14. In dhammaan mashariicda horumarineed ee dawladda iyo daneeyayaasha la shaqeeyaaba ku salaysnaadaan Qorshaha Horumarinta Qaranka
  15. In la sameeyo cilmi baadhis dhammays tiran lagu sameeyo goobaha iyo fursadaha maalgashi ee dalka jira, isla markaana gobollada oo dhan laga abuuro aagga warshaha.
  16. In la mideeyo nidaamka diiwaangalinta maalgashatada, isla markaana dib u eegis lagu lasameeyo tacrifadaha liisammada.
  17. In la baaladhiyo helitaanka adeegyadda maaliyadda ee bulshada, iyadoo loo marayo dib u habaynta xeerarka, adeegsiga tiknoolajiayda iyo kobcinta wacyiga iyo aqoonta bulshadda ee adeegyada maaliyadda.
  18. Madashu waxa ay hoosta ka xarriiqday in la abuuro nidaam iskaashi oo ay ka wada shaqeeyaan Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ururka baananka gaarka loo leeyahay ee Somaliland iyo daneeyayaasha kale ee bahda maaliyadda si loo abuuro helitaanka dammaanadaha deymaha la siiyo ganacstada yaryar iyo kuwa dhexe iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo dhallinyarada rag iyo dumar ba ee la yimaadda hal-abuurka ganacsi.
  19. In la kobciyo xirfadaha Tiknoolajiyadda, taasoo abuuraysa fursado shaqo, si kor loogu qaado dhaqaalaha Dalka, taas oo fududayn karta maalgashi dhinaca Tiknoolajiyadda ah.
  20. Ugu danbayn, madashu waxa ay soojeedinaysaa in la joogteeyo Madasha Dhaqaalaha ee heer Qaran, loona saaro guddi isku dhafan oo ka hawl gasha fulinta soo jeedimaha shirkan.
  • DHAMAA