Hargeisa 28 Jan, 2024 {W.H.M}-WAR-BIXINTA SANADLAHA AH EE WAX QABADKA WASAARADDA MAALIYADDA OO WAAXAYSAN.

Hargeisa 28 Jan, 2024 {W.H.M}-Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee sanadkii hore ee 2023 ayaa ka qabsoomay {28 Jan, 2024} Hall-ka shirarka Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda.

Kulankan oo ah mid sanadle ah ayuu ujeedkiisu daaranaa sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshaheedii saanadlaha ahaa; iyada oo Agaasime waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku aaden wixii uga qabsoomay bartilmaameedkii loo asteeyey ee ku xusnaa qorshe-hawleedka Waaxdaasi, hawlaha baaqday ee aan qabsoomin iyo asbaabaha ay u qabsoomi waayeen.

Kulan-hawleedka ayey goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Saleebaan Jaamac Diiriye iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka}, in kasta oo ay kal-hore [2023] jireen culaysyo badan oo soo wajahay habsami-u-socodka hawlaha Wasaaradda hadana waxa laga dheehan karayey war-bixinta masuuliyiinta Waaxaha in ay Wasaaraddu horumar fiican ka samaysay dhinacyo badan. Dhinacyada horumarka fiican ay Wasaaraddu ka samaysay waxa ka mid ahaa:

  • Meel-marinta iyo adeegsiga hababka ama systems-ka casriga ah ee is-wada.
  • Dib-u-habbeynta Maamulka Maaliyadda.
  • Casriyeynta Cashuuraha-Berriga iyo Kastamadda.
  • Wacyi-galinta & xoojinta xidhiidhka Cashuur bixiyaha.
  • Dabbaqaadda xeerarka.
  • Dib-u-habaynta hanaanka diyaarinta Miisaaniyadda iyo kharash bixinta.
  • Wax-Iibsiga iyo bixinta qandaraasyada.
  • Dib-u-habbeynta shaqaalaha.
  •  Siyaasaddaha kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri-galinta wax-soosaarka gudaha.
  • Iyo arimaha la hal-maala.

Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana laga yeeshaa kulamo sadex-bilood ah, lix-bilood iyo kuwa sanadle ahba kuwaasi oo ah qiimayn iyo dib-u-eegis si la isula eego waxa ka fulay hawlihii qorshaysnaa iyo kuwa taagan ee qabsoomi waayey.

Kulan-hawleedka oo qaatay saacado badan waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire isaga oo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isla markaana kula dardaarmay u diyaargarawga meelmarinta waajibaadyada ku xusan Qorshe-hawleedka sanadkan bilawga ah ee u yaala xafiis kasta.

=Wabillahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta

🌐: Slmof.org/Som.slmof.org

📧: [email protected]

☎️: 9494

WhatsApp: +252657729999