Hargeisa 08 May 2024 [ W.H.M ] Nuxurka Kulankii ka Qabsoomay Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale oo ay ka Soo Qayb-galeen Shan Dawladood iyo Hay’addo  Caalami ah.

wefti ka socdey Jamhuuriyadda Somaliland uu Hogaaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna ka mid ahaayeen weftiga Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Horumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Muuse Ibrahim Yuusuf (Selef), Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Gebilay iyo Maamulka Tog-Wajaale, ayaa kaga qaybgalay Magaalo Xuduudeedka Tog-Wajaale mashruuca Ballaadhan oo ku saabsan Horumarinta Biyaha, gaar ahaana biyaha Dhulka hoostooda oo loo soo saarayo Wajaale.

Shirkan oo muhiim u ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa ugu muhiimsan  Mashruuca Horumarinta Biyaha Magaalada Tog-Wajaale oo ku taalla Xadka u dhexeeya labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawladda Itoobiya, iyadoo Tog-Wajaale ay ka mid tahay meelaha lagu samaynayo Biyo ballaadhinta muddo koobana lagu hirgelinayo.

Kulankan ka qabsoomay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Maamulka Soomalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya Eng. Habtamu, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Uganda, Sam Champtories, Wasiirka Biyaha Dawladda South Suudaan, Pal Mai Deng, Wasiirka Biyaha ee Dawladda Jabuuti, Siciid Khayre,  waxaa kale oo ka soo qaybgalay Hay’adaha caalamiga ah sida, UNDP, UNICEF, UNESCO iyo Baanka Adduunka.

Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland waxay kulamo gooni gooni ah la qaateen weftiga ka socdey Urur Goboleedka IGAD, gaar ahaana Wasiirka Biyaha ee Dawladda Federaalka Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga labada Dawladood, sidoo kalena weftiga Somaliland waxay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Degaanka Soomaalida, mustafe Muxumed Cumar, iyadoo labada dhinaca ay ka  wada hadleen adkaynta nabadgelyada labada Dal iyo isu socodka Ganacsiga.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha Iyo Xogta Ee W/H/M JSL.

🌐  www.slmof.org/ www.som.slmof.org

📧  [email protected]

☎️  9494

Whatsap No: +252-657729999.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *