Hargeisa 23 April 2024 {WHM}-Wasaaradda H. Maaliyadda JSL iyo Hay’adda Unicef Ayaa Daah-furay kulanka Dib-U-Eegista Qoondada Miisaaniyadda Ku Baxda Wadaagayaasha Waxbarashada iyo Caafimaadka Iyo Waxtarka Adeeg-Bixinta Labadaa Qaybood.

…………………………………………………………………………………………………………………………………………………

Hargeisa 23 April 2024 {WHM}-Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Saleebaan Jaamac Diiriye oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dr. Cabdirazaq Jaamac Nuur iyo Madaxa Siyaasadda Bulshada Md. Jose Maria Bendito ayaa furay kulan-hawleed laba maalmood ah oo ay si wada jira u soo agaasimeen Wasaaradda H. Maaliyadda iyo Hay’adda Unicef kaas oo ujeedkiisu daaranyahay dib-u-eegis lagu samaynayo isticmaalka miisaaniyadda [kharashka] Wadaagayaasha Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waxaana inta kulan-hawleedku socdo lagu soo bandhigi doonaa xog ururin laga sameeyey qoondada kharashaadka ama miisaaniyadda ay helaan labada Wasaaradood ee Waxbarshada iyo Caafimaadku iyo waxtarka bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka Dalka.

Waxbixintan ayaa diirada saaraysa miisaaniyadda ilaa 10-kii sadood ee u danbeeyey ee ay helayeen labadan Wasaaradood iyo ilaa heerka ay gaadhsiisantahay adeeg bixinta waxbarashada iyo caafimaadku.

Waxaana hadii Rabi ogolaado lafo-gur iyo falanqayn kadib kulanka laga filayaa inay ka soo baxdo talo bixin farta ku fiiqaysa ama tilmaamaysa meelaha adeegayadaasi ka hooseeyaan ee u baahan in laga toosiyo ama laga horumariyo iyada oo bar-billow laga dhigan doono ilaa heerka ay hada gaadhsiisanyihiin.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta

🌐: Slmof.org/Som.slmof.org

📧: Info@slmof.org

☎️: 9494

WhatsApp: +252657729999.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *