Hargeisa 24 october, 2023 {WHM} – Gudidda La Dagaalanka Sicir-Bararka Iyo Kor-U-Qaadista Qiimaha Shilinka Somaliland Oo Soo Saaray Go’aamo Wax Lagaga Qabanayo Sicir-Bararka Dalka Ka Jira.


Hargeisa 24 october, 2023 {WHM} – Guddida La Dagaallanka Sicir-Bararka iyo Kor-u-qaadista Qiimaha SLSH iyaga oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay adeegsiga lacagta SLSH, maaddaama oo ay tahay lacagta sharciga ah (Legal tender) ee Dalka, isla markaana maanka ku haysa saamaynta taban ee ka dhalan karta xasilooni darro ku timaadda qiimaha lacagta Dalka, waxa ay wada tashiyo la yeesheen qaybaha bulshada oo ay ugu mudan yihiin Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso, Ganacsatada iyo Khubaro dhaqaale oo kala duwan waxa ay soo saareen go’aamadan:
⦁ Waxa la farayaa dhammaan ganacsatada iyo Hay’addaha bixiya adeegyada kala duwan sida; dugsiyada waxbarashada, jaamacaddaha, shirkadaha korontada, goobaha caaafimaadka iyo kuwa iibiya alaabta in ay ku iibiyaan adeeggooda ama alaabta lacagta Shilinka Somaliland.
⦁ Waxa la farayaa dhammaan sarriflayaasha, ganacsatada kala duwan iyo shirkaddaha bixiya adeegyada lacagaha la isugu diro e elefoonada, baananka iyo hay’addaha maaliyaddu in ay ku dhaqmaan heerka sarrifka maalinlaha ah ee Baanka Somaliland soo saaro.
⦁ Waxa la farayaa shirkaddaha bixiya adeegyada lacagaha la isugu diro telefoonada iyo baananka leh nidaamyada elektaroonig-ga ah (WAAFI, Dahab-plus, POS iyo Premier Wallet LW.M) in ay joojiyaan hab iyo hannaan kasta oo sahlaya in la isu diri karo wax lacag ah oo ka yar $100 (Boqol Dollar).
⦁ Waxa la farayaa baananka gaarka loo leeyahay in ay fududeeyan maalgelinta ay bixiyaan, si loo furfuro ganacsiga iyo shaqo-abuurka.
⦁ Waxa la farayaa dhammaan baananka gaarka loo leeyahay in ay bulshada u furaan account-xisaabeedyo ku salaysan lacagta SLSH, go’aamadani waxa ay dhaqan-galayaan ugu dambayn 25 November 2023, haddii Alle idmo.
⦁ Cid kasta oo u hoggaansami wayda go’ aamadan waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.
=Allaah Ayaa Mahadle=
Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta

: Slmof.org/Som.slmof.org
: [email protected]
: 9494
WhatsApp: +252657729999