Hargeisa 08 October, 2023 {WHM} -Kulan-Hawleed Lagu Gorfaynayey Qoondada Miisaaniyadda Dawladda Ee Ku Baxda Daryeelka Carruurta.

Hargeisa 08 October, 2023 {WHM} – Wasaaradda H. Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda caalamiga ah ee Unicef ayaa si wada jir ah u soo qaban-qaabiyay aqoon-is-weydaarsi socday muddo 3 maalmood ah, kaas oo intii uu socday lagu gorfaynayey qoondada Miisaaniyadda Dawladda ee ku baxda daryeelka carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Horumatinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaasi furay ayaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidhay mawduuca aqoon-is-waydaarsiga halkaasi ka jeediyey, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Hal-ku-dhegga kulankan aynu is ku nimid waxa weeye sidii Miisaaniyadda looga maalgalin lahaa carruurteena, markaa waxa igu soo dhacay shan suaalood/weydiimood markii aan arkay ciwaanka kulanka, maadaama laga hadlayo caruur isweydiintu waxay tahay yaa caruur ah? Halkeese qofka la odhan karaa wuu caruurnimo ka baxay? Caam ahaanba sida la isla aqoonsanyahay wixii 18 jir ka yari waa caruur, wixii ka wayni waa qaangaadh oo dad waaweyn ayey noqdeen.

Suaasha kale ee is isweydiinta mudani waxa weeye, guud ahaan dadkeena imisa ayaa caruur ah? Daraasad la sameeyey 2014-kii waxa soo baxday da’da da’da-dhexe (medial-age) marka la taxo waxa caruur ah wixii ka yar 17jir.

Waxa kale oo iyana soo baxaysa in 46% dadkeenu ka yaryihiin 15-jir  halka ay 75% ka yaryihiin 30-jir, taa macnaheedu waxa weeye dadkeena 50% waa caruur. Tiro ahaana waa 2.5 million ka mid ah bulshadeenu waa caruur.

Maxaynu uuga baahanahay inaynu caruurteena maalgalino? Caruurtu waa mustqabalkeeni inta aynu horumar samaynaa waxay ku xidhantay hadba inta aynu cauurteena gashano maanta, qaranka bad-qabkiisa jidh iyo maskaxba wuxuu ku xidhanyahay inta maanta caruurteena aynu maal-gashano. Berrito waxay noqonaysaa maaha arin muhmal ah, barrito wuxuun baynu goosan doonaa waxa aynu beero maanta.

Suaasha afraad waxa weeye; inteebaynu ka maalgalinaa caruurteena miisaaniyadda Dawladda? Buuga 1-aad ee miisaniyadda waxa ku jira 59-hay’adood iyo wasaaradood, malihin wasaaradd ama hay’ad u gaar ah oo ka shaqaysa caruurta, haseyeeshee 59-kaaba hawlahoodu si toosa iyo si dadban ba wey u taabanayaan daryeelka caruurta, laakin waxa jira 5 wasaaradood oo safka hore kaga jira hawshaas, shantaa wasaaradood waxa ay kala yihiin:

  1. Wasaaradda Waxbarashadda.
  2. Wasaaradda H. Caafimaadka.
  3. Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha-Bulshada.
  4. Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
  5. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

5-taa wasaaradood si gaara ayey hawshoodu u taabataa ama  usaamaysa caruurta. Shantaa wasaaradood marka laysku geeyo  miisaniyadooda sanadkan 2023 waa 378 billion sl.sh, oo ka noqonaysa wadarta guud ee miisaniyadeena 15%. Marka runtii la eego saamiga ay shantaa Wasaaraddood ku leeyihiin Miisaaniyaddu aad ayey u hoosaysaa, waxay ahayd markaad kaba timaado wasaaraddaha kale in ay Wasaaradda Tacliintu ku lahaato miisaaniyadda saami ah 15% ilaa 20%, laakiin sababaa keenay in saamiga malgashi ee ay caruurtu miisaaniyadda ku leeyihiin sidaa u yaryahay, sababta uugu horaysaana waxa weeyi miisaaniyaddeenu wey koobantahay culaysyo badanina wey jiraan, marka aynu ka hadlayno maalgashi waa berrito,marka aynu ka hadlayno maanta baahiyeheenu wey badanyihiin, oo qaarkood runtii aad xasaasi u yihiin ayaan inoo saamaxayn inaynu si buuxda u maalgashano caruurteena, ta kalana waxa weeyi iyada oo miisaaniyadda Dawladdeenu koobantahay oo waabay yartahay, marka loo eego wax-soosaarka guud ee Dalkeena waxa ay ka noqonaysaa 10% kaliya, Wadamada Africa marka la is ku celceliyo waa 17%, Wadamada Reer ama Dalalka Reer-Galbeedka waa ilaa boqolkiiba dhawr iyo sodon, markaa haynteenaaba kooban.

Suaasha 5-aad waxa weeyi; marka laga yimaado dawladda yaa kale oo maalgashada caruurteena? Cida ugu maalgashiga badani waa qoyska, hadaynu soo qaadano qoys 7 qof ah oo ay shani caruur tahay, shantubana ay dugsiga tagaan, hadaad eegto lacagta ku baxda fiigooda, nusasaacahooda, buugtooda, baskooda iyo wixii la hal-maala kama yara 20% ilaa 30% guud ahaan dakhliga qoyska.

Waxa kale oo ka qayb qaata maalgashiga caruurteena hay’adaha caalamiga oo ay Unicef ka mid tahay”.

Gabagabada hadalku waxa weeyi inaynu kor u qaadno maal-gashiga caruurteena, waxa xusid mudan in 50% caruurteena gaadhay xiligii waxbarasho aanay waxbaba baran, waa halkaa halka inooga baahan inaynu wax ka qabano oo aynu maalgashano. Waxa aanu yara wada sheekaysanay ninkan ka sicda Unicef, waxa uu ka soo shaqeeyey Wadamada Aasiya, sababta keentay in Wadamada Aasiya markaliya kor-u-kac laxaadle ku talaabsadaan waxa ay mudo badan maalgashanayeen dadkooda, sidaa darteed waxa ay hada goosanayaan midhihii ay beerteen.

Inaguna hadaynu doonayno inaynu u ayno ubadkeena oo aynu midhahaa goosano waxa aynu u baahanahay inaynu maanta maalgashano si aynu berrito u goosano. Runtiina waxa aynu u baahanahay in si fiican la is kugi duwno oo la xidhiidhiyo hay’addaha sida tooska ah iyo sida dadbanba caruurta uugu lug leh, waxaanan soo jeedin lahaa ina daraasad dhamaystiran arinkaa laga sameeyo, waanad mahadsantihiin wasalaamu calaykum”.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

🌐 www.slmof.org

📧 [email protected]

☎9494

Whatsap No: + 252-657729999