Hargeisa 16 June, 2022 KULAN-HAWLEED LAGU SOO BANDHIGAYEY WAX-QABADKA WASAARADDA EE SADEX-BILLOODKA APRIL-JUNE, 2022 OO WAAXAYSAN.


Hargeisa 16 June, 2022 (WHM) – Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee sedex-biloodka April – June 2022 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda H. Maaliyadda.

Kulankan oo sadexdii bilood ee kastaba mar la qabto, ayey ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, iyada oo Agaasime waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku saabsan wixii uga qabsoomay bartilmaameedkii waaxdiisa mudadaa sadexda bilood ah, hawlaha baaqday iyo asbaabaha ay u qabsoomi waayeen, iyo sidoo kale caqabaddaha jira.

Kulan-hawleedka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Daauud Geedi, iyo dhamaan Agaasiyaasha Waaxuhu, waxa uu kalmadiisii furitaanka Wasiirka Wasaaraddu ku xusay mihiimada ay guud ahaan qaranka gaar ahaana Wasaaradda Maaliyadda uu u leeyahay isla-xisaabtanku.

Dhinaca kale, waxa laga dheehanayey war-bixinta waxqabadka Waaxaha ee saddex biloodkan, in horumar fiican laga sameeyey dhinacyadda meelmarinta barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda sida; adeegsiga hababka casriga ah ee is-wada, Dib-u-habbeynta Maamulka Maaliyadda, cashuuraha, Kastamadda, Wacyi-galinta & xoojinta xidhiidhka Cashuur-bixiyaha, dabbaqaadda xeerarka, Maamulka Miisaaniyadda iyo kharash bixinta, wax-Iibsiga, dib-u-habbeynta shaqaalaha iyo siyaasaddaha kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri-galinta wax-soosaarka gudaha, iyadoo lagu jiro xili adag oo dunida iyo mandaqadaba xaalado adag oo sicir-barar ahi ka jiraan.

Wasaaradda H.Maaliyada JSL ayaa waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay, waxaana sedexdii biloodba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.

Ugu danbayn Kulan-hawleedka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay galabnimadan maanta ah Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, halkaasi oo uu masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isla markaana kula dardaarmay u diyaargarawga meelmarinta bar-tilmaameedyada u yaala xafiis kasta lix-biloodka July-Sep,2022 hadii Rabbi ogolaado.

                 =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta
🌐: Slmof.org/Som.slmof.org
📧: [email protected]
☎️: 513856
Whatsapp: +252657729999