Hargeisa 27 June, 2022 (WHM) Guddida Diyaarinta Siyaasadda Miisaaniyada Dawladda Somaliland Oo Maanta kulan Ka Yeeshay Mudnaanaha Miisaaniyad-Sanadeedka 2023-ka.

Hargeisa 27 June, 2022 (WHM)-Sida uu dhigayo Kal-tirsiga (Calendar) loo raaco diyaarinta miisaaniyadda Dawladdu,Guddida Diyaarinta Miisaaniyadda ayaa maanta kulankoodii 3-aad ka yeeshay Miisaaniyad-Sanadeedka 2023, kulanka oo maanta ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda, ayaa si wayn diirada loogu saaray talaabada koowaad ee diyaarinta miisaaniyadda, iyadoo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Waaxdeeda dhaqaalaha iyo qorshayntu kulan-hawleedkan ugu soo bandhigtay guddida xaashida guudmarka miisaaniyadda (Budget out look paper) taas oo aas-aas u ah qorshaha diyaarinta miisaaniyadda Dawladda, iyada oo laga dheehanayo heerka dhaqaalaha guud ee wadanka iyo siyaasadaha ku aadan cashuuraha.

Kulanka oo uu shir-gudoominayey Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire waxa kasoo qaybgaley Wasiiradda xubnaha ka ah guddida diyaarinta miisaaniyada, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud, iyadoo ay sidoo kale kulankan qayb ka ahaayeen Madaxda Waaxaha Miisaaniyadda iyo Dhaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu.

kulankan ayaa intii uu socday waxa ay Guddida siyaasada miisaaniyadu si wayn ugu falanqeeyeen meelaha mudnaanta la siin doono Miisaaniyad sanadeedka 2023-ka oo ay ka mid yihiin biyaha, caafimaadka, deegaanka, garsoorka, waxbarashadda, amniga iyo meelo kale, waxaanay guddidu u balameen kulamo kale si looga baaraan dego meelaha mihiimada u leh guud ahaan Qaranka.

Ugu danbayn, kulankan oo ka mid ah kulamada caadiga ah ee diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda, ayaa ah mid muhiimadiisa leh, iyada oo ay xigi doonaan hadii Rabi ogolaado kulamo lala yeelan doono daneeyayaasha kale ee Miisaaniyadda oo ay ku jiraan ururada bulshada rayidka ahi.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

🌐www.slmof.org

📧 [email protected]

☎️ 513856

Whatsap No: + 252-657729999