Hargeisa 20 June,2022 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Soo Agaasintay Kulan-Hawleed Sadex-Geesoood Ah Oo Lagaga Arinsanayey Fududaynta Bixinta Lacagaha Maalgashiga Ah Ee Ay Bixiyaan Bangiyada-gaarka Ah Ee Dalku.

Hargeisa 20 June,2022 (WHM)- Kulan-hawleed ay soo agaasintay Wasaarada H. Maaliyaddu gaar ahaana Waaxdeeda Ganacsiyada Gaarka ah, ayaa ka qabsoomay hallka shirarka Bangiga-dhexe ee JSL, kulan-hawleedkaas oo ujeedadiisu daaranayd sidii loo fududeyn lahaa hellitaanka lacagaha maal-gelinta gudaha iyo guud ahaan sidii loo fududeyn lahaa adeegyada maaliyadeed ee Dalka, iyada oo ay Wasaaradda Maaliyaddu halkaa ku soo bandhigtay daraasad ay ka samaysay helidda maal gelinta ee ganacsatadda iyo caqabadaha ay kala kulman.

Kulanka oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee uu khuseeyo mawduuca kulanka lagu gorfaynayey, waxa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Maalgashiga Md. Cabdilahi Aare, Wasiir-ku-Xigeenka Wasaarada Ganacsiga Md. Muuse Ibraahim Salaf, Gudoomiye-Ku-Xigeenka Bangiga-dhexe Md. Cabdiraxmaan Sh. Xasan, Ururka ay ku midoobeen bangiyada-gaarka loo leeyahay, masuuliyiinta bangiyada gaarka ah ee dalka sida: Dahabshiil Bank, Daarasalaam Bank, premier Bank, Amal Bank iyo xubno kale oo ka socday hay’addo iyo xubno kale oo ka socday hay’addaha ama sharaaiga kale ee ka shaqeeya adeegyada maaliyadeed.

Waxaana intii kulanku socday si qoto-dheer loogu lafo-guray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Hay’addaha Dawladda, Ganacsatada iyo bangiyada-gaarka ah, iyada oo la is dul-taagay arimo ay ka mid yihiin qodobadan hoose :

i) Sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee isticmaalka bangiyada

ii) Iskaashiga ka dhexeeya bangiyada gaarka loo leeyahay dhexdooda

iii) Fududaynta maalgashiga bangiyadu u sameeyaan ganacsatada iyo bulshada

iv) Wada shaqaynta dawlada iyo bangiyada gaarka loo leeyahay iyo sidii dawladu ugu abuurilahayd bangiyada nidaamka ugu fudud ee wada shaqayneed.

Waxaana gabogabadii Kulan-hawleedka la is kula qaatay, in la abuuro guddi-farsamo oo halkaas kasii ambaqaada hawsha, iyada oo loo balamay in bishiiba mar la qabto kulan noocan oo kala ah, si la isula eego hadba waxa ka qabsoomay arimihii la is la qaatay, iyo guud ahaan waxa hadba ku soo kordha xaalada wada shaqayneed ee sadexda dhinac.

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

🌐www.slmof.org

📧 [email protected]

☎️ 513856

Whatsap No: + 252-657729999