Hargeisa April 20, 2024 (WHM) -Kulan-Hawleedka Waxqabadka Waaxaha Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Ee Sadex-Billoodka January- March 2024 Oo Maanta Qabsoomay.

Hargeisa April 20, 2024 (WHM) – Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ee sedex-biloodka January – March 2024 ayaa maanta ka qabsoomay Hall-ka Shirarka Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda.

Kulankaas oo sadexdii bilood ee kastaba mar la qabto, ayey ujeedadiisu tahay sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, iyada oo Agaasime Waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaysto war-bixin ku saabsan wixii uga qabsoomay bartilmaameedkii Waaxdiisa mudadaa sadexda bilood ah u yaalay, hawlaha baaqday iyo asbaabaha ay u qabsoomi waayeen iyo sidoo kale caqabaddaha jira ee ka hor yimid.

Kulan-hawleedkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Saleebaan Jaamac Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) Iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxaha  Wasaaradda horumarinta Maaliyadda, waxa laga dheehanayey war-bixinta waxqabadka Waaxaha ee saddex biloodlaha ah in horumar fiican laga sameeyey dhinacyo badan.

Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo furay kulan-hawleedka waxa ka mid ahaa hadalkiisii: “Wuxuun baan doonayaa inaan idinku baraarujiyo ahmiyada uu leeyahay kulankan sedex-biloodlaha ah ee Wasaaraddu. Maamulku waa qorshe, fulin, dabogal iyo is-qiimayn, waxa aynu halkan maanta u fadhinaa sidii aynu u qiimayn lahayn wixii ka qabsoomay qorshihii inoo yaalay January-March, 2024“.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta
🌐: Slmof.org/Som.slmof.org
📧: [email protected]
☎:  9494
WhatsApp: +252657729999.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *