Hargeisa 02 March , 2024 {WHM} -Mashruuca Dhismaha Jidka Lawyo-Cado ilaa Borama.

Hargeisa 02 March , 2024 {WHM}- Hirgalinta dhismaha Mashruuca Jidka Lawyo-Caddo illaa Boorama  oo uu inaga taageerayo maal-galintiisa Bangiga horumarinta Afrika {AFDB} kaasi oo ay hawshiisu soo martay marxalado kala duwan ayaa lagu wadaa in ay dhawaan bilaabanto fulintiisu.

Dhismaha jidkan oo mihiimad wayn inoo leh qaran ahaan iyo qof ahaanba, isaga oo wax weyn ku soo kordhin doona koboca dhaqaale ee Dalka ayey   hada hawshiisu maraysaa meel fiican. Wajiga 1-aad ee dhismaha Jidka Lawyocaddo-Borama oo ay bulshadu waayahanba u dhag-taagaysay fulintiisa, waxa sida ku cad nuqulka heshiiska ay dhinacyada ay khusaysaa si rasmi ah u kala saxeexdeen 03 June 2023, waxaana jira daneeyayaal kala duwan oo ku lug leh meel-marinta hawshiisa. Dhinaca Dawladda Somaliland waxa heshiiska uugu xil-saarayd Wasaaradda Maaliyadda, iyada oo fulintiisa ay leeyihiin Hay’adda Wadooyinka Somaliland iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Hawsha wajiga 1-aad ee Jidka Lawyo-Caddo ilaa Borama oo soo martay maraaxil kala duwan sida aynu sare ku soo sheegnay, waa la kala saxeexday heshiiskiisii, waxa la sameeyey daraasaddii lagu qiimaynayey suurtogalnimada fulintiisa {Feasibility Study}, waxaanu hada marayaa meel gabogabo ah, iyada oo la rajaynayo inuu dhawaan bilaabmi doono oo loo qalab qaadan doono hadii Rabi ogolaado. Waxaana hada laga sugayaa Bangiga Horumarinta Africa inuu  soo daayo lacagtii lagu bilaabayey, iyada oo ay dhamaan dhinacyada ay khusayso soo dhamaystireen wixii looga baahnaa, ha ahaadaan arimo farsamo, sharci iyo wixii la hal-maala.

Ka Wasaarad Maaliyad ahaan anaga oo ka duulayna kaalinta aanu ku leenahay hirgalinta mashruucan oo aanu Dawladda Somaliland ku matalaynay heshiiska dhismaha Jidka, is la jeerkaasna maanka ku hayna muhiimadiisa waxa aanu xil weyn is ka saaraynaa sidii aanu madaxda Bangiga Horumarinta Africa ugu daba gali lahayn dedejinta lacagta loo qoondeeyey mashruuca si goor hore loogu bilaabo fulinta wajiga 1-aad.  

Jidkan ayaa ah mid aynu baahi weyn u qabnay, iyada oo culays weyn lagu qabay dhinaca isu socodka xeebaha Galbeed iyo Dalka intiisa kale, waana riyo aynu in badan jeclayn inay mar uun inoo rumoodo.

Ugu danbayn, waxa jira mashaariic waaweyn oo la xidhiidha dhinaca jidadka iyo biriishyada kuwaasi oo intii ay Somaliland dib u la soo noqotay madax-banaanideeda la hirgaliyey, waxaana ka mid ah jidka dheer ee xidhiidhsan Berbera ilaa Wajaale {Berbera Corridor}, waxaa wax lagu faano mudan in jidkii ugu dheeraa abid la hirgaliyey kaasi oo ah jidka laamiga ah ee is ku xidha Burco iyo Ceerigaabo jidkaasi oo aynu ku dhisanay is ku tashi aynu la nimid {Cashuurta Muwaadinka}.

Waxa sidoo kale xusid mudan oo ay tahay inanynu bulshada u tibaaxno in 26-kii bisha February, 2024 Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) uu daah-furay kulan bar bilaw u ah dhismaha Jidka Hargeisa-Odweyne-Burco, kulankaasi oo lagaga arinsanayey hawsha ibo-furka mashruuca sida; shaqada diyaarinta bilawga Daraasada Mashruuca Jidkaasi, kaas oo maalgelintiisa uu inaga taageerayo Baanka Horumarinta Africa (AFDB).

Waxa intaas dheer inay jiraan jidad tiro badan oo ay bulshadeenu hanaan Iskaa Wax-U-Qabso ah ku dhistay iyada oo aanay kuwaa naftooda Dawladdu ka gacan la’ayn oo ay ku daraysay mid kasta hadba wixii ay awoodu u saamaxdo.

=Wabillahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

🌐www.slmof.org/ www.som.slmof.org

📧[email protected]

☎️9494

WhatsApp No: +252-657729999