HAWL-WADEENADA XAFIISYADA DARYEELKA CASHUUR-BIXIYAHA WASAARADDA MAALIYADDA OO TABABAR LOO SOO XIDHAY.

Hargeisa 21-Jan-2021 (WHM)-Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Ahmed Muse Mohamed ayaa maanta magaalada Hargeisa tababar ugu soo xidhay 20 sarkaal oo ka kala socday Xafiisyada Daryeelka Cashuur-Bixiyaha ee Waaxaha Cashuuraha-Berriga, Kastamada, Xidhiidhka Dadweynaha iyo Waaxda Arimaha Ganacsiga Gaarka ah.

Tababarka oo qaatay laba cisho waxa hawl-wadeenada lagu barayey aqoonta lagu maareeyo daryeelka macaamiisha (cashuur-Bixiyaha), taasoo looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa isla markaana loo wanaajin lahaa xidhiidhka ay Wasaaraddu la leedahay guud ahaan Dadweynaha reer Somaliland gaar ahaana cashuur-bixiyaha. Cashuur-bixiyaha oo isagu kaalinta kowaad kaga jira Allaah ka sokow suurtagalinta jiritaanka Qaranimada, maadaama uu yahay kan bixiya Miisaaniyadda ay ku hawlgasho Dawladdu.

Iyadoo fulinaysa awaamiirta Xeerka Maamulka Maaliyada Xeer .Lr. 75/2006, iyo Mabaadi’da Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda, Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxay mudnaanta siinaysaa sanadkan 2021-ka tayeynta shaqada iyo shaqaalaha , si loo helo hawl-wadeen garaadkiisu sareeyo, is la jeerkaasna ay u dhacsantahay kaalinta shariifta ka ah ee cashuur-bixiyaha. Waxa aanu wajiga labaad tababar noocan oo kala ah siin doonaa hadii Allaah ogolaado saraakiisha xafiisyada Wasaaradda ee gobolada iyo degmooyinka Dalka guud ahaan, waxa sidoo kale naga go’an inaanu wax weyn ka bedelo habdhaqanka Ciidamada Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan Turbataariyada.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta
Website: Slmof.org
Email: Info@slmof.org
Tell: 513856
Whatsapp: +252-657729999