Kulan-hawleed ku saabsan horumarinta iyo dardargelinta mashruuca Berbera Corridor

Berbera 19-Jan-2021 {WHM}- Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hay’ada Trade Mark East Africa ayaa soo qabanqaabiyey kulan-hawleed ku saabsan horumarinta iyo dardargelinta mashruuca Berbera Corridor, kulankaas oo ka qabsoomay magaalada Berbera waxaa ka soo qayb galay Guddida sarre ee Mashruuca Berbera Corridor oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Gudoomiyaha Baanka Dhexe, Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayadda, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Maareeyaha Dekedda Berbera, Shirkada DP World, Hay’ada Trade Mark, Iskaashatada Mukhalasiinta ee SOFFA iyo Iskaashatada Gaadiidleyda ee Towfiiq.
Guddiyada kale duwan ee mashruuca Berbera Corridor oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo kormeeray dhismaha balaadhinta Dekedda Berbera oo gebageba ku dhaw, qalabka casriga ah ee lagu soo kordhiyey Dekedda Berbera iyo Laab-ka baadhista tayadda, waxaana halkaas ay warbixin kaga dhagaysteen madaxda DP World Berbera, Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada.
Kulankan oo galay maalintii labaad ayaa soo xidhmi doona maalinta arbacada oo ay taariikhdu tahay 20-01-2021.