KULANKA QIIMAYNTA IYO ABAAL-MARINTA WAAXAHA DAKHLIGA LIXBILOODKA JULY-DECEMBER/2020

Hargeisa 24-Jan-2021{WHM}-Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo xidhay munaasibadii qiimaynta iyo abaal-marinta masuuliyiinta Waaxaha Dakhliga iyo Xisaabiyayaasha ee Gobolada iyo Degmooyinka Lixbiloodka July-December/2020. kulankan oo ka furmay shalay magaalada Hargeisa ayaa ah kulan Lixdii biloodba hal mar la qabto, si loo qiimeeyo wax qabadka xafiisyada Waaxaha Dakhliga ee Cashuuraha-Berriga iyo Kastamada iyadoo is barbar dhig lagu samaynayo kutalagalka dakhli ee xafiis kasta loo asteeyey iyo dakhliga dhabta ah ee uu soo xareeyey.

Mudada uu socdo kulankani waxa ay masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda iyo maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka Wasaaraddu is la eegaan wax yaabaha u qabsoomay xafiis kasta mudadaas lixda bilood ah, caqabadaha ka horyimid, iyo qorshaha lagu wajahayo lixda bilood ee socda.

Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa wajahaysay sanadkii dhamaaday ee 2020-ka culaysyada dhaqaale ee uu abuuray caabuqa dunida ku fiday ee Covid-19, balse waxa ay Wasaaraddu kaga soo gudubtay dadaal iyo is ku tashi, iyadoo Dawladda ka samata bixisay hoos u dhac miisaaniyaddeed.

ugu danbayn, Wasaaraddu waxay u idmantahay diyaarinta miisaaniyadda, ururinta dakhliga iyo bixinta kharashaadka Hay’adaha Dawladda, waxaana Allaah mahadii ah inay kaalinteedaa halbawlaha ah ku guulaysatay iyadoo aanay dhicin kharash baaqday iyo daymo la galay toona.
Somaliland ayaa ah Jamhuuriyad curdin ah oo aan ictiraaf buuxa ka helin dunida inteeda kale, ma hesho daymo iyo deeqo la sheegi karo balse waxa ay wax ku dabartaa cashuurtaa yar ee laga qaado Dadweynaha gobta ah ee reer Somaliland.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta
Website: slmof.org
E-mail: [email protected]
Landline: +2522-513856
Whatsapp: +252-657729999