WAR-BIXINTA WAX QABADKA WASAARADDA. H.MAALIYADDA JSL EE SEDEX-BILOODKA JANUARY-MARCH/2021.

Hargeisa 13 April, 2021 (WHM) Kulan-hawleed lagu soo bandhigayey wixii u qabsoomay Wasaaradda sedex-biloodka January-March/2021 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo looga gollahaa bal in la is la qiimeeyo wixii guud ahaan Wasaaradda uga qabsoomay qorshihii u yaalay sedex-biloodkii hore ee sanadkan. Masuuliyiinta Waaxaha ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan waxa masuul kasta laga warsaday wixii uga qabsoomay qorshe-hawleedkii loo xadiday Xafiiskiisa, hawlaha aan u qabsoomin, sababaha keenay kuwa baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta, iyo soo jeedimaha uu qabo masuulkasta.Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.Kulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isagoo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmay u diyaargarawga meelmarinta waajibaadka u yaala xafiis kasta sedexbiloodka xiga iyo guud ahaan inta uga dhiman qorshe-hawleedka sanadka. =Wabilaahi Tawfiiq=Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta W.H.Maaliyadda www.slmof.org/Som.slmof.org Email: [email protected] Tell: 513856Whatsapp: +252657729999