Wajigii u Danbeeyey ee Kulan-Hawleedkii Lagu Qiimaynayey Waxqabadka Waaxaha-Dakhliga Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Lasoo Af-Meeray.


Hargeisa 27 July, 2021 (WHM)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa maanta soo xidhay Kulan-Hawleedkii lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha-Dakhliga ee C/Berriga iyo Kastamada, kulan-hawleedka oo la is kugu yeedhay guud ahaan Maamulayaasha Xafiisyada Dakhliga Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, waxa wajigiisii kowaad maamule kasta laga dhagaystay waxqabadkii xafiiskiisa lix-biloodkii hore ee sanadkan Jan-Jun/2021.

Natiijada ka soo baxday qiimayntii lagu sameeyey hawl-qabadka Waaxaha-Dakhliga lix-biloodkii hore ee sanadkan ayaa muujinaysa inay celcelis ahaan kor mareen 1% (Boqolkiiba hal) yoolkoodii (Target) ku-talo-galka odoroska dakhli ee laga rabay.

Waxaana guntii iyo gunaanadkii munaasibada la gudoonsiiyey shahaado sharafyo iyo abaal-marino kale masuuliyiintii gaadhay bartilmaameedkii dakhli ee loo asteeyey mudadaa lixda bilood ah. Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda ayaa sidoo kale bogaadiyey Maamulayaasha iyo Hawl-Wadeenada Waaxaha Dakhliga dadaalka iyo kartida ay muujiyeen.

waaxaana xusid mudan inaanay dhicin sanadihii u danbeeyey wax hoos u dhac ah oo ku yimid Miisaaniyadda Dowladda iyada oo ay jireen duruufo caalamiya oo aynu dunida inteeda kale la qabnay taas oo ay wajahaysay Wasaaradda Maaliyadda oo iyadu u idman dakhli soo saarka Dowladda iyo waliba maaraynta bixinta lacagaha ku baxa adeegyada danta guud iyo waliba kharashaadka hawl-socodsiinta ah ee ay galaan Hay’adda kala duwan ee Dowliga ahi, is la markaana ma aanay jirin haba yaraatee wax daymo ah oo loo baahday oo ay Dowladdu gashay gudo iyo debed toono, balse waxa kaliya ee wax lagu maaraynayey ahayd dakhliga ka soo xarooda cashuurtaa yar ee ay bixiso bulshadu oo loo maamulay si haboon.
Waxa sidoo kale xasuus mudan inaanay jirin wax lacago ah oo ay soo daabacday Xukuumadu tan iyo sanadkii 2016-ka, taasina waa tan keentay in Shillinka Somaliland uu qiimo yeesho , is la markaana ku nagaado xadi (Rate) macquul ah oo la is ku halayn karo.
Ugu danbayna, mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda iyo Maamulayaasha Xafiisyada C/Berriga iyo Kastamada ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa kala qaatay waajibaadka lagu hawl-galayo lixdan bilood ee danbe hadii Rabi ogolaado. Ka sokow hawlaha dakhli ururinta waxa Maamulayaasha xafiiyada Dakhliga la faray inay waajib tahay meel-marinta dhankooda Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda, kaas oo ay ka sii farcamayaan arimaha ay ka mid ka yihiin:

  1. Casriyeynta Maamulka Cashuuraha Dalka
  2. Fududaynta hanaanka cashuur-bixinta (Online Taxpayer Portal System).
  3. Dabaqaada hanaanka is-wada (Automate system) ee Xogta Maamulka Maaliyadda ee IFMIS.
  4. Dardargalinta hawsha bixinta sumada aqoonsiga cashuur-bixiyaha (Tax Identification Number).
  5. Dib-u-habaynta iyo tayeynta cududa shaqaalaha Wasaaradda.
  6. Iyo arimo kale oo door oo la halmaala barnaamijka PFM-ka

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

: Slmof.org/Som.slmof.org
: [email protected]
: 513856
Whatsapp: +252657729999