SHAQO-ABUURKA & KUTALOGALKA ODOROSKA MIISAANIYADDA DOWLADDA SANADKAN 2021-ka.

Hargeisa April 1, 2021 (WHM)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL ayaa maanta Imtixaan ka qaaday qaybtii kowaad ee shaqaalihii sida kumeel-gaadh ka ah uga shaqaynayey Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda, waxana wajigan koowaad maanta u fadhiistay 736 qof, iyadoo tirada guud noqonayso 1,610 kuwaas oo lagu daray Miisaniyadda sanadkan 2021.
Meelaha mudnaanta gaarka ah ay siinayso siyaasadda Kutalogalka Odoroska Miisaaniyadda Dowladdu sanadkan 2021 waxa ka mid ah horumarinta dhallinyarada & shaqo-abuurka, waayo waa muhiim in ay Dowladdu dhallinyarada tixgalin gaar ah siiso, isla markaana siiso fursado ay wax ku soo kordhin karaan, dhaqaalaha dalkana qayb uga noqon karaan. Hadaba iyada oo taa laga duulayo, waxa ay Dowladdu SlShs 2 Bilyan ku daraysaa Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada iyada oo la bilaabayo in hantida hadda ku ururtay sanduuqaas lagu curiyo fikrado cusub, waxa intaa u dheer horumarinta garoomada ciyaaraha Dalka, abuuridda liigag ciyaareed oo gobollada ah, waxa Barnaamijka Shaqo-qaran loo qaadan doonaa 500 oo dhallinyaro ah oo jaamicadaha ka soo baxay, waxa sidoo kale si rasmi ah/joogto ah loo shaqaalaysiin doonaa 1,610 oo ah shaqaalihii ku-meel-gaadhka ahaa sida aan xaga sare ku soo sheegay.

=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Wixii cabasho aad qabto ama aad talo noo hayso waxaad markasta nagula wadaagi kartaa:
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999
Website: slmof.org ama som.slmof.org