Kulan-Hawleedyo Lagu Dardar-galinayo Habsami-u-socodka Shaqada Wasaaradda

Hargeisa 24 March, 2021 (WHM) Wasiir-xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Md.Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef) ayaa kulan xogwarasyi ah la qaatay Madax-qaybeedyada Waaxda C/Berriga, ujeedka kulanka ayaa ahayd dardar-galinta habsami u socodka hawlaha dakhli kordhinta Waaxda maadaama uu gabo-gabo yahay sedex-biloodkii January-March, 2021-ka. Dakhli ururinta iyo diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ayaa ah labada waajibaad ee ugu waaweyn hawlaha ay Dawladda ugu xil-saarantahay Wasaaraddu, sidaa darteed waa lagama maarmaan markasta baraarujinta hawl-wadeenada Waaxaha dakhligu.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa is la maanta kulan aad u muhiim ah xafiiskiisa kula qaatay saraakiisha ciidamada ilaalada cashuuraha. Toosinta habdhaqanka hawl-wadeenada dakhliga iyo Ciidamada Ilaalada-Cashuuraha, kor u qaadista aqoontooda, awoodooda hawl-qabad,iyo macaamilka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshadu waxay wax weyn ka tari doontaa habsami u socodka hawlaha dakhli ururinta Wasaaradda taas oo ah udub dhaxaadka shaqada Wasaaraddu u idmantahay.
Waxa aanu ka Wasaarad ahaan sanadkan mudnaanta siin doonaa hadii Rabi ogolaado daryeelka cashuur-bixiyaha iyo guud ahaan dadweynaha, cashuur-bixiyaas oo aynaan kaalintiisa shariifka ah erayo kooban ku cabiri karin. Waxa aanu tababaro iyo wacyigalino door ah siin doona saraakiisha cashuuraha iyo ciidamada Turbotaariyada.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Wixii cabasho aad qabto ama aad talo noo hayso waxaad markasta nagula wadaagi kartaa:

Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999
Website: slmof.org ama som.slmof.org