Meelmarinta Hanaanka Is-Wada ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladdaha Hoose

Berbera 27-March-2021 (WHM)-Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta magaalada Berbera ka daah-furay didaamka casriga ah ee is-wada ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladda ee IFMIS (Financial Management Information System), kaas oo imika u gudbay Dawladdaha Hoose ee Dalka si la mid ah Dawladda-Dhexe oo loo adeegsanayey hawlaha maamulka maaliyadda sedexdii sano ee u danbeeyey. Dawladda-Hoose ee Berbera ayaa noqonaysa tii labaad waxaana hadii Rabi ogolaado la gaadhsiin doonaa guud ahaan Dawladdaha hoose. Nidaamkan oo ka mid ah Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo adeegsan doonaa bixinta kharashaadka, xaraynta dakhliga, iibka, bixinta qandaraasyada, diyaarinta miisaaniyadda,baadhisaha, maaraynta daymaha iyo hawlo kale oo door ah oo guud ahaan la xidhiidha maamulka maaliyadda, isaga oo meesha ka saari doona madmadawga iyo wax-is- dabo-marinta is la jeerkaasna kor u qaadi doona daah-furnaanta, islaxisaabtanka iyo wax-ku-oolnimada adeegbixinta xafiisyada Dawladda.