Wasiir-ku-xigeenka H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Furay Kulan-Hawleed Lagu Falanqaynayey Laba Xeer Oo Aad Muhiim U Ah

Hargeisa 23/03/2021-(WHM) – Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Yuusuf Selef ayaa maanta furay kulan-hawleed sedex cisho soconaya, kaas oo lagu gorfaynayey sidii wax ka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa xeerar muhiim u ah dhismaha Dawladdnimada gaar ahaan marka laga hadlayo habsami u socodka hawlaha maamulka maaliyadda Dalka iyo waliba ilaalinta hantida Dawladda ee dadka ka dhaxaysa.
Xeerarkan oo kala ah Xeerka ka hortaga ku takrifalka hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Xeer Lr.38/2007 iyo Xeerka Maamulka Maaliyadda Xeer Lr. 75/2016. Waxa munaasibadan dib-u-eegista lagu samaynayey ka soo qayb-galay Gudida Ilaalinta iyo dabo-galka Hantidada Qaranka, ku xigeenka Hanti-Dhawraha Guud, Xeer-Ilaaliyaha Guud, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Xafiiska Gudidada Qandaraasyada Qaranka, kamishanka Maamul wanaaga, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Xidhiidhiyaha Mashruuca Dib-u-habaynta maamulka maaliyadda, xubno ka mid ah Agaasima-waaxeedyada wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo khubaro iyo aqoonyahano kale oo ka mid ah hay’adaha ay khusayso arintaasi.

W/X/Dadweynaha & Xogta W.H.Maaliyadda JSL.
www.slmof.org www.som.slmof.org
[email protected]
513856