Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee diyaarinta miisaaniyadda Dawladda sanadka 2022-ka.


Hargeisa 30/07/2021 (WHM) – Waxa habeenkii xalay ahaa Jaamcadda Hargeisa ka dhacay kulan muhiimadiisa lahaa kaas oo ay si weyn u soo agaasintay Wasaaradda H. Maaliyadu, kulankan oo ah sanadle ah waxa lagu soo casuumay xubno ka kala socday qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada-Rayidka ah waxaanay ujeedadiisu daaranayd sidii ay Bulshada-Rayidka ahi door ugu yeelan lahayd diyaarinta miisaaniyadda Dawladda, waana sida uu dhigayo xeerka maamulka maaliyadda ee Xeer Lr. 75/2016, is la markaana ku cad jidwalka loo raaco diyaarinta Miisaaniyadda.

Waxa dhinaca Wasaaradda H. Maaliyada ka socday Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahin Salaf, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan iyo waliba Agaasimayaasha waaxaha Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Miisaaniyadda.
Kulanka oo qaatay saacado badan Waxa intii uu socday la is ku waydaarsaday afkaaro iyo soo jeedimo dhaxal gal ah, kuwaas oo ka muuqan doona hadii Allaah ogolaado Miisaaniyada sanadka 2022-ka, iyagoo ka soo qaybgalayaashii kulankaas Madaxda Wasaaradda H. Maaliyadda ku bogaadiyey sida ay u weeleeyeen talooyinkoodii sanadkii hore, iyaga oo is la jeerkaasna ka markhaati kacay in qaybo ka mid ahi ka muuqdaan miisaaniyadda sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

Madaxda sare ee Wasaaradda ayaa iyaguna halkaasi kaga jawaabay waydiimo badan oo ururada bulshadda rayidka ahi ka warsadeen, halka ay dhinacoodana masuuliyiinta Wasaaraddu balan-qaadeen in tallooyinkooda ay xisaabta ku darsan doonaan kuna salayn doonaan diyaarinta odoroska miisaaniyadda Dawladda sanadka danbe 2022-ka inta aan loo gudbin daneeyayaasha kale ee Miisaaniyadda hadii Rabi ogolaado.

Ugu danbayn, kulankani oo sanad walba bishan Jully la qabto ayaa muujinaya bisaylka Mas’uuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyada, taas oo iyadu Dawladda ugu xilsaaran diyaarinta Miisaaniyadda, dakhli soo saarka iyo waliba maaraynta kharash-bixinta, runtiina waa talaabo hore loogu qaaday dhinaca maamul-wanaaga, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka Hay’addaha Dawladda iyo Bulshada.

=Wabilaahi tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

: Slmof.org/Som.slmof.org
: [email protected]
: 513856
Whatsapp: +252657729999