Masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda iyo Guddi-Hoosaadka Arimaha Dhaqaalaha Golaha Guurtida JSL Oo kulan Is-Xog-Waraysi ah Yeeshay

Hargeisa 01 Aug, 2021 (WHM)-Masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda iyo Guddi-Hoosaadka Arimaha Dhaqaalaha Golaha Guurtida jsl ayaa kulan ku yeeshay maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan xafiiska Wasiirka Wasaaradda, Dr Sacad Cali kaas oo ujeedkiisu daaranaa is-xogwaraysi la xidhiidha xaalada dhaqaale iyo maaliyaddeed ee Dalka.Wasiir Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Salaf iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa ugu horaynba xog waran ka siiyey mudanayaasha guud ahaan hawlaha Wasaaraddu u idmantahay isaga oo u tibaaxay halka uu marayo barnaamijka dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladdu, guulaha laga gaadhay ilaa hada iyo waliba halka uu marayo wakhti xaadirkan, saameynta dhaqaalaha ee uu Dalkeena ku yeeshay Caabuqii Covid-19-ku, siyaasaddaha maaliyadeed ee ku waajahan kor u qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha Wadanka, tirada shaqaalaha Waasaaradda, xidhiidhka wadashaqayneed ee ay Wasaaradu la leedahay Hay’addaha kale ee Dawladda iyo iyo guud ahaanba bulsho-weynta reer Somaliland.Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan oo madashaasi ka hadlay ayaa guddida dhaqaalaha ee guurtida u iftiimiyey sida sanadihii u danbeeyey Wasaaraddu awooda u saartay wanaajinta macaamilka bulshada guud ahaan gaar ahaana cashuur-bixiyaha iyo waliba ganacsatada ay Dawladdu la macaamisho ee ay wax ka iibsato, isaga oo hoosta ka xariiqay in lagu guulaystay in la sameeyo nidaam maamul-maaliyadeed oo ku salaysan daah-furan iyo isla-xisaabtan buuxa.Gabagadiina, mudanayaasha Gudi-Hoosaadka Dhaqaalaha ee ka socday Aqalka Odoyaasha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iyaguna dhankooda su’aalo iyo soo jeedimo la wadaagay Madaxda Wasaaradda horumarinta Maaliyadda ee maanta kulanku dhexmaray. Kulankan oo ah mid caadiya waxa uu ka mid yahay kuwa ay si joogta ah badanaa u yeeshaan Hay’addaha Maaliyadda Dowladda iyo xubnaha baarlamaanka gaar ahaan gudiyadda dabogalka Hantidada Dowladda Aqalka Wakilada iyo waliba Gudi-Hoosaadyada Arimaha Dhaqaalaha labada Aqal, waana mid ku qotoma arimaha isla-xisaabtanka iyo dabogalka ee Golayaasha Sharci-Dejinta iyo Hay’addaha fulinta.