Xaflad Abaal-marin

Burco, August 05, 2021 Wasaradda H. Maaliyada JSL ayaa xalay bilado iyo abaal-marino kale ku maamuustay Naadiga Wasaaradda ee G/Togdheer ka dib markii ay ku guulaysteen Horyaalka Kooxaha Heerka kowaad ee Gobolka.Munaasibad casho-sharaf oo ay uugu qabatay Wasaaraddu Isha-Burco waxa kala qaybgalay Agaasimayaasha Waaxaha Xidhiidhka-Dadweynaha, Shaqaalaha, masuuliyiinta Wasaaradda ee heer gobol, madaxda Dawladda ee heer Gobol iyo heer Degmo, shaqsiyaad kale oo ciyaaraha daneeya, iyo waliba Isuduwaha W/Ciyaaraha ee Gobolka.Naadiga Wasaaradda H. Maaliyadda Togdheer ayaa dhawaan ka qaybgali doona koobka Horyaalka Horyaalada Somaliland (Super-cup) kaas oo lagu wado inuu ka dhaco G/Saaxil magaalada Berbera hadii rabi ogolaado.